Weeraryahan reer Croatia oo ka bixiyay Dayn lagu lahaa dhammaan dadka degan tuuladiisa

Weeraryahanka Croatia Ante Repecch ayaa jeebkiisa ka bixiyey wixii deyn lagu laahaa dadka deggan tuulada Imotzki ee Croatia halkaasoo uu ku dhashay kuna koray.

Sida uu qoray Wargeyska Vejisti,Repecch
Wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray tuulo yar oo ku dhow magaalada Split, muu iloobin halkii uu ka soo jeeday tuulada wuxuu ka tagay isaga oo jiray 19 sanno, Wuxuu bilaabay inuu u ciyaaro kooxda Fiorentina ee Italy.

Ante Repitch ayaa mar qudha ka wada bixiyey wixii dayn lagu lahaa dadka tuulada oo tiradooda tahay 500 oo Ruux.

Xulka Croatia ayaa laga badiyey ciyaartii Final ka taas oo France kaga badisay 4 iyo 2, Koobka Addunka ee Sanadan 2018 ayuu ka qaybgalay ciyaaryahan Ante Repitch lix kulan waxaanu dhaliyey hal gool,goolkaas oo uu ka dhaliyey Xulka Argantine.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso