Kaabayaasha Waxbarashada(I) Abdifataah M.Ahmed

 

 

Waxa Xaqiiqo ah in Haddii Maanta Dugsi waxbarasho aad furto loo heli doono Ardey soo Camirta ama waxbarasho u soo doonata.Waa Run si Dal koraaya isla markaasina guud ahaan waxyaabaha aasaaska nolosha u ahi ay hadda hana qaadayaan in Dhisida Dugsiyada iyo goobaha waxbarashadu ay noqdaan kuwo si xawli ah u socda.Korodhka tirada Da’yarta iyo Dhalinyarta dalkuna ay tahay mid si xawli ah u socda,Markasta iyo sannad dugsiyeed kasta waxa loo baahanayaa Dhismayaal,agab,Adeeg iyo Aragti kala socodsiisa Da,yarta cusub ee ku soo biireysa waxbarashada sida Dugsiyada hoose ama Dugsiyada bar-baarinta Carruurta.

“qiyaasta Tirada Ardeyda guud ee Sannadkan Dugsiyada hoose la Qoraayo ama Dugsiyada bar-baarinta la inooma Sheego sida Maalinta Imtixaanada Shahaadiga ah loo Sheego tiradooda”.

“Weli Aragti ahaan waxeynu ku Jirnaa Qorshaha ah in Ardey kastaa Helo Waxbarasho,in Kaabayaasha sida Dhisida Dugsiyada iyo Helida Agabka iyo Adeega waxbarashada la gaadhsiiyo meel kasta,Tayada Rajadeedu waa Weli Dhab ahaantii ma muuqato”.

Tirada Dugsiyada la Dhisaayo,is balaadhinaaya ama La furayaa waa mid u socota Si Xawli ah,si aan xiisaha dugsiga iyo goobaha waxbarashada loo qabaa meesha uga bixina waxa haboon in Dugsiyadu ay si dhab ah u buuxiyaan ujeeddada tacliimeed ee loo furay oo aan laga dhigan waxbarasho dano gaar ah iyo ganacsi ku dhex milanta.Masuuliyiinta,Maamulka iyo Macalimiinta ayeyna masuuliyadaasi garbahooda saaran tahay.

“haddiise la arko macalimiin iyo maamulo Dugsiyada dawladda ka shaqeeya carruurtoodana dugsiyada gaarka ah u dira waxa ay ka dhigan tahay in kaabayaasha waxbarashada ee dugsiyada gaarka ah ay kaga kalsoon yihiin kuwa dawladda.

Maal-gelinta kaabayaasha waxbarasho waa in lagu lifaaqaa tayo cayiman ama loo jaan-gooyo lagana rabo ujeeddkeeda,isla markaasina waa in daba-gal joogto ah lagu hayaa habka ay wax u socdaan.haddii kale Dugsiyo badan oo la furaayo Maal-gelinta loo sameeyey,wakhtiga iyo Tamartuba waxa ay ku noqon doontaa Khasaare.

Dhul Waxbarasho loo Bixiyo,Dhismayaal Waxabrasho cusub oo la soo Kordhiyo,Dhul Mustaqbalka Dugsiyo waxabrasho loo iibsanaayo,Dan guud oo Waxbarasho loo qoondeeyo sannad kasta weynu arkeynaa.Tartanka dhanka cadadka iyo Tirada la qaatey ama Dugsiga dhigata iyo Kaabayaashiisa Ayaa soo jiidashada ka kow ah Dalkeena.

Maal-gelinta Dugsiyada waxbarashada haddii Dhaqaale ku raadis loo furaayo waxa ay ka xoog badan doontaa arrintaasi ujeeddada bulsho dhan oo ardey ah una socota in ay wakhtigooda ku bixiyaan helida casharo mustaqbalka noloshooda anfaca.siwanaagsan ayeyna ardeyga iyo bulshadaba ugu muuqan doontaa dugsiyada ardeydu ku dhex dayacan tahay haddana ay waxbarasho u doontaan.

La soco Qeybta dambe………………………………..

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso