Daawo: Qurbajoogta Beelwaynta Garxajis Ee USA Oo Taageertay Go’amadii Buurta Gacan Libaax

Habeenkii Axada Ee Taariikhdu Ahayd July 15, 2018 Ayaa Qurbajoogta Beesha Garxajis Ee USA Waxay Ku Qabteen Magaalada Columbus OHIO, Shir Lagu Taageerayay Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Lagu Qabtay Buurta Gacan Libaax Ee Gobolka Saaxil Bishi Lixaad 23keedii. Shirkan Oo Si Aad U Heersaraysa Loo So Agaasimay Waxaa Lagu Qabtay Goob Aad Bililcdeeda Loo Bilay Oo Ay Qaban Qaabiyeen Gudi Aad U Heersaraysa Ee Degan Magaalada Columbus Ohio, Shirkan Ayaa Waxaa Looga Yimi Dhamaan Gobolada La Jaarka Ah OHIO Ee Tennessee, Kentucky Iyo Indiana .

Marti Sharaftii Kazoo Qayb Gashay Shirka Ayaa Laga Casuumay Dhamaan Beelihii Lagu Casuumay Shirkii Waxaana Ka Mid Ahaa Beelaha Arab, Xaaji Ayuub, Harti, Fiqi Shini, Gabooye, Samaroon Iyo Ciise. Isagoo La Waafajiyay Protocolkii Shirkii Ka Dhacay Buurta Gacanlibaax Waxaa Ka Soo Jeediyay Qudbado Aad U Qiima Badan Marti Sharaftii Lagu Casuumay Shirka Ee Hogaaminayay Beelaha Ay Kasoo Jeedaan. Waxaa Isaguna Xusid Mudan Xubin Sare Siyaasi CALI YUUSUF QAALIB Oo Goobjooje Shirkii Buurta Gacan Libaax Ahaa Si Qoto Dheer Uga Waramay Xaalada Uu Ku Jiro Dalkii Soomaaliland Faah Faahin Dheeraada Ka Bixiyay Qodobadii Sideeda Ahaa Ee Ay Soo Saareen Beesha Garxajis Ee Gacan Libaax.

Dhamaan Marti Sharaftii Halkaa Isugu Timi Waxay Isku Raaceen Inay Taageero Mug Leh Ku Bixinayaan Qodobadii Ka Soo Baxay Shirka Uguna Baaqeen Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi Inuu Isbadal Deg Deg Ah Ku Sameeyo Cadaalad Darrada Ka Jirta Dhaman Dalka Si Fiican Uga Jawaabo Qodobadii Kasoo Baxay Shirkaas.

Waxa Qoray DAA’UUD ISMAACIIL YOONIS

Advertisement

Ku Xayeysiiso