Xafladdaha Qalin-Jebinta Abdifataah M.Ahmed

 

Xaflada Qalin-Jebintu Ardeyga waxa ay u tahay Higsi iyo himilo maalinta ay iman doonto ayna sugu karin,Ardey kastaa wuxuu jecel yahay madal hambalyo iyo farxad sacab leh in lagu gudoonsiiyo warqadda ay ku sheegeen in ay tahay aqoonsiga aqoonyahanimo.aynuse ogaano in aan Xaflada qalin-jebinta iyo Gudoomista Shahaadadu waxba ka bedeli doonin qadarka qoran.”Waa xafladii dhameystirka Socdaalkaagi waxbarasho,Waana Xaflada daah-furanka weji cusub oo noloshaada iyo sagootiska Sannadihii dhigashada iyo Ardeynimo iyo Wejihida nolosha aad ka mashquulsaneyd.

Heerka  hadda Farxada iyo Hambalyada Dhameystirka Shahaadooyinka Jaamacaddeed la gaadhsiiyey Dad badan oo kuwan ka horreeyay ayaan soo arag.Kuwo badan oo innaga horreyey Shahaadada Dhameystirka Jaamacada Ayuunbey xafiis ka qaateen Iyaga oo aan Xaflad loo qaban,kuwo badan oo kalena Boostooyinka Ayaaba loogu Diray,kuwo kalena maba heystaan oo Xaflada Qalin-Jebinta ma yaqaaniin.

” In aad ka mid Noqoto Sarkaalada loo Xulay Bixinta iyo Guddoonsiinta Ardeyda baxeysa Shahaadooyinka Ayaa ah mid dib kuu Xasuusineysa in aad Fursadani oo kale soo Heshay iyo in Xafiiska adiga lagugu dhex Siiyey”.

Qabashada Xafladaha Waxbarashada Sannadlaha ah Ayaa hadda si weyn Dalka uga billaabmi doonta,Xafladaha ilaa Heerka ugu Sarreeya waxbarashada sida Joogtada ah loo qabtaa waxa ay ka soo curteen Xafladii soo dhaweynta Dufcadii kowaad ee Dugsiga hoose,ilaa ay Ardeyda qaarkood la gaadhaan Xaflada qalin-Jebinta Dhameystirka Waxbarashada Jaamacadda.

Marka Ardeyda qaarkood Dugsiyadii hoose,Dhexe,Sare iyo Machadyada gaarka ahba ku dhawaad 12 Sanno xaflado kala duwan loogu soo qabanaayey wey uga duwan tahay Ardeyga Keliya Xaflada qalin-jebinta Jaamacadda helay tan iyo intii uu wax soo Dhiganaayey.Dalalka qaarkood Xaflada Dhameystirka Dugsiga sare iyo u wareegida Jaamacadda ayaaba uga weyn Mida Jaamacadda Dhammeystirkeed la qabto.

Waxa aynu hadda sugnaaba waa Xafladaha furitaanka sannad dugsiyeedka cusub iyo qaadashada ardeyda cusub,xafladaha sii sagootinka ardeyda dhameysatey sannadihii waxbarashada dugsiga ka dib Natiijada imtixaanada shahaadiga ah,iyo Xafladihii Ardeyda jaamacaddaha dalka oo dhan.

waxaan Daawan doonaa Ardey hadleysa,Madax iyo Masuuliyiin soo jeedineysa Khudbad la mid ah middi sannadkii hore,Macalimiin hadleysa,Waalid hadlaaya iyo Saxaafad duubeysa.Xafladaha macasalaameynta iyo sagootiska ayaana ka dareen duwan mida soo Dhaweynta Ardey dugsi loo qaadanaayo.

Xafladaha Qalin-jebinta Jaamacaddaha Dalka Ayaa ah kuwa sida gaarka ah isha loogu qabto sannadkii gaar ahaan Khudbadaha iyo Hadalada ay Madaxda dalku Ardeyda shaqo doonka ah usoo jeediyaan.Khudbadahaasi,Ballan-qaadyada iyo wax ka qabashada baahiyaha Ardeyda Aqoonyahanka Noqdayse waa mid lagu kala Aragti duwan yahay.

Ayaamo Wacan Ayey u tahay Da,yar badan oo sannadkan Macasalameyneysa Kuraasta Jaamacaddaha,Ayaamahana wey uga qiimo badan yihiin kuwii maalmihii billowgii Jaamacadda,Dhameyn iyo Dhameystir aqooneed ayey farxadeeda naawilayaan,Maalmo badan oo dedaal iyo Duruufo leh,waxa ay qaadan doonaan habeeno  iyo maalmo farxad leh,Waxa ay kuwada caweyn doonaan Xaflado habeeno farxad leh,Cashooyin,Khubado, Keegag la jaro Maamuusyo iyo Shahaadoyin,macasalameyn iyo sagootis Dhexdooda ah,Sugaan , sawiro badan iyo Duubista Xafladahaasi,waa hal mar noloshii dad badan fursadani.

Xaflada Qalin-Jebintu Guriga ayey dib ugu Noqoneysaa,Waxaaney Tacabkoodii tuseysaa Kuwii guriga kugu soo bar-baariyey noloshana kugu soo darey,Ardeygu si uu kuwaasi uga farxiyo,Bulshadiisana isku baro iskuna tuso,ha diyaarsado Dharkii Qalin-jebinta,Hoolalkana ha u kalahaan Maalintooda,Farxadaasina halala wadaago,hana sugaan Khudbado Madax-weyne cusub oo ka duwan kuwii hore.

kuwo badan Ayaa nool,horumarna nolosha ka sameeyey haddana aan madaxa loo saarin Koofiyada xaflada qalin-jebinta .Xafladaasi ka dib Dedaal,iyo karti kale oo aad aqoontaada nolosha uga faa,ideysatid ayaa ku billaabmi doonta,waad guuleysan ama ku dhici meelo badan,Ayaamaha jaamacada ka dambeeya wax badan ayaa ku jira ogow.

Tayada Ardeyda,Tiradoodu inta ay tahay iyo Shaqo-abuurkooduba Masuuliyiinta maamulada ah ayey tahay in ay ila wadaagaan

Advertisement

Ku Xayeysiiso