Daawo: Mucaaradka Dalka Jabuuti Oo Walaac ka muujiyey Heshiiska Dhex maray Ethiopia iyo Eretaria kuna Sheegay Mijo Xaabin

Ka dib markii madaxweynaha Eritrea Isias Afawerqi uu booqasho shalay ku tagay magaaladda Addis Ababa ee xaruunta dalka Ethiopia, ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka Jabuuti oo ay deris yihiin labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea waxay walaac ka muujiyeen heshiiska labada dal iyo saamaynta uu ku yeelan karo xurgufta u dhaxaysa Jabuuti iyo Eritrea. Ramaadaan Muusse ayaa arrintan ka waraystay Jaamac Cabdiraxmaan Cadhoole oo ka mid ah madaxda Mucaaradka

Dhinaca kale, Cumar Shirdoon Cabbaas, oo ka mid ah siyaasiyiinta dalka Jabuuti xilal horena u soo qabtay ayaa soo dhaweyay heshiiska labada dal ee dariska ah isaga oo sheegay inaanu wax saamayn ah ku yeelan doonin Jabuuti, wuxuuna u warramay Ramadaan Muuse.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso