Qabaa’ilan Litacaarafuu

Beel weynta Aadan-madoobe, sidii dagaalkii sokeeye ee qarnigii 19aad uu u kala qaxiyey, dib is ku ma aanay haybsanin, oo dib isku ma aanay raadsanin. Badankeedu’na is ma ba tirsadaan, oo beelo kale aya’ay ku kala dhex milanyihiin.

Inteeda istaqaanaa’ina, taariikhdoodii saxda ahayd ku ma socdaan, oo ku ma dhaqmaan, oo aad iyo aad, aya’ay u baalmarsanyihiin. Sababtu’na, muddo hore aya’ay dhacdey, oo dacaayado raqiis ahaa, aya’ay ka bilaabantey. Taasaa’na nasiib darradan keentey, oo beeshii kala furfurtey, oo midnimadeedii’na dhaawacdey.

Runtu’se waxa ay tahay, beesha Aadan-madoobe waa wada Ugaadh Aadan-madoobe. Iyada oo Ugaadh Aadan-madoobe ah, aya’ay dagaalkii sokeeye gashey. Iyada oo Ugaadh Aadan-madoobe ah, aya’ay kala qaxdey. Iyada oo Ugaadh Aadan-madoobe ah’na, wa’ay kala maqantahay.

Beeshu waxa ay u kala baxdaa:
1- Cabdille Ugaadh
2- Xasan Ugaadh
3- Ibraahim Ugaadh

Beeshu kala qaxitaankeedii ka dib, waxa ay ku kala sugantahay:

– Sool
– Sanaag
– Togdheer
– Maroodi-jeex
– Gabiley
– Kililka Shanaad
– Iyo meelo badan, oo Geeska

Afrikada Bari ah.

Hadda’ba beesha waxa la gudboon, in aanay waxii horey u soo daashadey, ee kala qeybqeybiyey, ee kala qobqobey, ee kala fogeeyey, in aanay dib u sii eeganin; oo intaas in ka badan’na aanay huursanin.

Alla ha u naxariisto’e, Salaan Carabey ayaa yidhi:

¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯
Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha’e
Iyaba waa is doontaan hadday, kala dibboodaane.

Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso