Ciidanka Spain oo Badbaadiyay 340 Tahriibe badda Mediterranean-ka

Maamulka Spain ayaa sheegay in ay badbaadiyeen 340 Tahriibe badda Mediterranean-ka .

Doonyaha Ciidanka Badda ee Spain ayaa badbaadiyey 240 Tahriibe oo saarnaa 12 Doonyood toban ka mid ah doonyahaas ayaa marinka Jabalu Daariq laga badbaadiyey halka labada kalena Badda Boran.

Sidoo kale Booliska Ilaalinta Madaniga ayaa sheegay in doonyahoodu ay ka badbaadiyeen 100 Tahriibe Badda Mediterranean-ka

Ka dib Go’aanka Talyaaniga iyo Giriiga ayaa Dalka Spain noqday alabaabka tahriibayaasha ee Yurub.

Hoos u dhaca tirada tahriibayaasha ee ka gudbaya badda Mediterranean ka ayaa hoos u dhacay kala badh marka loo eego sanadkan 2018 sanadii 2017,halka sadex jeer laba laabantay Spain sida ay sheegtay Hay’adda Dadka Hijroonaya.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso