Xanibaada farmaajo ee xajku waa xog muujisay xeelada federaalka

Xanibaada farmaajo ee xajku waa xog muujisay xeelada federaalka
Waxaa aad u mu him ah in aan ka faa iidaysano casharada iyo duruusta ay ina barayso talaabadan ugu danbeysey ee maamulka farmaajo ku xanibay in dadka reer Somaliland toos uga xajaan deegaanadooda iyo in laga joojiyo inay ka shaqeeyaan oo adeegyadooda u qabtaan dadka shacabka ah ee soomaalieed diyaaradihii ummada soomaaliyeed kaga soo gudubtay waqtiyadii qadhaadhaa iyo waayihii adkaa, iyadoo kooto loogu xidhaayo shirkado ay leeyihiin shakhsiyaad ku xidhan maamulka muqdisho ,hadaba waxaa aad u muhim ah ianaynu bal faaqidno oo faalayno xogta muhimka ah ee tallaabadani ina siinayso dawlad ahaan iyo shacbi ahaaba hadaynu nahay dadka reer Somali land.
– Waxay muujisay halka uu ina dhigi doono fadaraalka ay inoogu baaqayaan
Casharka koowaad ee tallaabadani aynu ka baranaynaa waxaa weeye federaalkan ay ku eedaamayaan reer soomaaliya ee ay leeyihiin wuxuu dalka ku maanshaynayaa xorriyad ,maamul daadejin iyo in state kastaaba umadaxbanaanaado arimihiisa gaarka ah iyo in talada iyo awooda la fur furo oo aan muqdisho lagu soo ururin inay been tahayoo aanay waxba ka jirin ,waxaana taa inoo muujinaya habka ay hada inagula macaamilayaan xataa miyuu yahay mid u qalma heer fedaraal ,muxuu yahay federaalk iyo midnimada ay inoogu baaqayaan ee aan inoo ogolaanayniayn deegaanadeena toos uga xajno visahana uga qaadano ?mawax intaa ka badan ayey inoo ogolaan karaan ? . Waa tallaabo uu ku mahadsanyahay farmaajo sheegida uu inoo sheegay federal beenaadka xamar xuurtada ku haysataa awooduu inoo ogolaanayo iyo heerka aynu arimaheena hoose ee state ahaan ku maamulan karno hadaynu ogolaanaba federaalku sheegoodaaa.
– Shakhsiyaad kooto loogu xidhay ganacsigii xorta ahaa
Xogta kale ee aynu ka faa,iidaysanayno tallaabadan farmaajo waxay tahay in uu ina xasuusunayo faderaal beenaadku inuu dib usoo celin doono LC-yadii raga gaarka ah la siin jirey iyo ganacsigii daka gaarka ah lagu naas nuujin jirey ,markuu shirkado muddo dheer kasoo shaqeynayey adeega dhinaca isgaadhsiinta dhinaca gadiidka cirka khibrad dheeraadana u leh oo wadamada geeska iyo kuwa bariga dhexeba ay barteen yaqaanaana ,oo aan siyaasad shuqul ku lahayn intuu ka xidho suuqa ,qaar imika cusub oo soconkari la,a dawladihii arimaha xajku khuseeyeena diideen , xataa uu garan waayey haatan bal sannadkan soconweydaye mar dabe aad bal ka dhaadhicisid dawladahane sannadkan kuwii hore u daa oo shacabka soomaaliyeed xajka hakaga ciyaarin, sow taasina tusaale kama aha in aanu federaalku u socon suuq xora oo muwaadiniintu fursadaha u siman tahay ee uu yahay koox taladii wadanka qabsatay oo la xulafowday baayacmushtar laga yaabo inay sheerar ku leeyeihiin amaba dad ay dan gaara ka leeyihiin wataan in uu u xakamaynayo oo u xidhayo isagoo ku tumanaya sharcigii suuqa xorta ah iyo ganacsigii ka madax banaanaa dawlada .
Geba gebadii waxaan leeyahay kuwa reer Somali land ee xamar fadhiya sheeganayana inay ummadan u maqan yihiin iyaga waxaa la gudboon inay arintaa ka hortagaan oo ay usheegaan reer soomaaliya in federaalka ay u dagaalamayaan aanu ahayn mid in aynu hargeysa xajka ka aadno noo diidaya ganacsi uu dad soomaaliyi leeyihiina ka xidhaya suuqa oo si eex iyo qaraaba kiil ku jirto kuwo kale fursada uga riixaya ee waa mid aanu ku doonayno awoodo intaa kabadan ,oo hadii laga diidana dib uga soo laabtaan hadii laga yeelana sida ay iyaga la tahay markaa ku tallaabsadaan , bal maanta ayey muujin karaan inay dad ummada danaheeda muqdusho u jooga inay yihiin iyo inay calooshood u shaqaystayaal yihiin .
Masuuliyiinta somalilandna iyo shacabkeenaba waxaan u sheegayaa inay u furan tahay wadooyin badan oo ay kaga jawaabi karaan talaabadan fadaraal beenaadku qaaday iyo kaadhadh badan oo ay ciyaari karaan kuwaasoo ubaahan in ay masuuliyiinta qaranku kala door doortaan ,aduunkuna maanta ayuu ugu fursad badan yahay Somali ladna fursado dahabiya oo ay somaliya ku tusi karto itaalkeeda ay horyaalaan., hasa yeeshee loobahan yahay inay gartaan iyo inay go,aankeeda yeeshaan.

Maxamed xasan c/llahi
Maxas.abdil@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso