MA XUSUUSAN TAHAY? DHACDADII, JULY 14, 1990 Ahmed Diriye

MA XUSUUSAN TAHAY? DHACDADII, JULY 14, 1990

Ahmed Diriye
 ahmedmdiriye@yahoo.com

Salaan ka dib

Ayaamaha Ilaahay eed ma leh middoodnee, laakiin qaarkood ayaa qof, qoys, ama qaran walba ugu suntan CAWO iyo AYAAN ama CADHO IYO UTUN.

Waxaan xusuusanahay sooyaalku markuu ahaa 14kii July (Maanta oo kale), 1990 aniga iyo laba nin oo kale oo maahanaabayna magaaladda Muqdisho, si aanu u helo xogta meesha la geeyay ilaa dad badan oo Somaliland u dhashay oo habeennimadkii (2:00am-4:00am) ay ciidammaddii DUUB CASTA ee dawladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ka qab-qabteen magaaladda Muqdisho, gaar ahaan, xaafadda Buulo Xuubay ee degmadda Wadajir ayaanu ku soo baxnay nin lagu buuqsan yahay oo hortaagan makhaayad la odhan jirey DOOXADDA CAGAARAN (Allow ma og tahay).

Sidaan gadaalkii maqlay, ninkaasi wuxuu ahaa ninkii ka badbaaday gawricii 43 nin oo uu ugu yaraa wiil 14 jir ah, uguna weynaa inankaas aabihii oo la odhan jirey BARRE DOOLOW (ILaahay ha u naxariisto dhamantood). Ninkaas lagu buuqsanaa oo ay dushiisa ku buuxday ciid bacaadah iyo boodhka oo baalo daymoonaya, eraygii iigu horreeyay ee aan afkiisa ka maqlay wuxuu ahaa 400 (oo nin) baa la dilay. Markaanu waydiinay dadkii ku buuqsanaa halka uu ninkani ka waramayona, midkood baa noogu jawaabay, WAAR WUU SIRQAANSAN YAHAY (Warka laguu sheego iska hubso lahaydaa).

Waanu rumaysanay oo waanu iskaga dhaqaaqnay, si aanu war sugan u baadi goobno, CAJAB. Warkii wuu isa soo taray, oo waxaa noo cadaatay in 43 nin dhegta dhiiga loo daray arooryaddii hore ee waagu soo dhawaa, kuwaasoo lagu gawracay xeebta Jasiira oo aan jimacaha u dabaal tegi jirey, balse aanan dib u tegin.

Saacd walba waxa isa soo taray naxdintii, argagaxii, iyo cadhaddii, oo markiiba waxaa la ii taxay magacyaddii dad aan garanayay oo ehel, asxaab, iyo hawl-wadaag aanu ahayn (ADDUUNYADA NIN NOOLOOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN). 

Waxaana marxuumiinta aan garanayay ee dhegta dhiiga loo daray aan hadda ka xusuusanahay oday BARRE DOOLOW, INA AXMED XAAWO (oo ay maalmo ka hor isugu kaayo dambaysay), PROFESSOR SICIID GURAY oo haystay Waaxda Kismistariga ee Kulliyadda Waxbarshadda Lafoole (Tuwaal keliya buu guntanaa markii gurigiisa laga qafaashay, ee la dilay), wiil aanu jaamacadda wada dhigan jirey oo qolka igu xiga seexan jirey, innamaddii geersahkii Xaaji Dool, Ina Carab Saqiir, nin dhaktar ah oo USAID u shaqayn jirey, iyo, iyo

Dadka habeenkaa la qabtay oo badnaa ayaa la saaray gawaadhi isdaba socota oo xagga Jeelka Laanta Buur (30km west of Muqdisho) loo dhaqaajiyay. Hase ahaatee, gaadhigii ay saarnaayeen 43ka la dilay ayaa wadada laamiga ah laga leexiyay, oo jid raf ah la qabasiiyay. Sida la wariyay, marxuum Barre Doolow ayaa yidhi waaryaadhaheen, waa la ina laynayaaye ashahaata (Nin weyni, waa nin weyn). Inkastoo aanay intii kale rumaysanin; Barre ashahaaddi uu markaa bilaabay ayay naftii kaga baxday oo aanu joojinin, markii la yidhi soo dega, iyo markii rasaasta lagu af-rogay ee ay ku dhacday toona (Allow kuu naxariiso).

MAXAYNU KA BARAN KARAA DHACDADAN FOOSHA XUN, iyo MAGAALOOYINKII CIDDA LALA ROGAY? Nin baa laga soo wariyay, “walaalkaa oo dhintayna wax lala ficiltamo maaha, waxay gabadhani wadaana wax loo adkaysto maaha”. Haddaba, ninka dhacdada iyo kuwii ka xumaaba u soo joogayna midnimo Soomaaliyeed kuma hiran karo; sida ay Somaliland tahayna ma sii socon karto (Haddii  QARAN LAGU DHISI KARO heeso, sida CALANYAHAW HA DHICIN,  HA DHEELIYIN, WAAQAA DHISNOOW,  waxay ila tahay ciidna kama heeso badnayn DAWLADDII MARXUUM MAXAMED SIYAAD BARRE).

Waayo nabad macnaheedu maaha xabbaddi ma dhacayso, balse nabaddu waa cadaalada (ilaa xad), duudsi la’aan, danaha guud oo dhab ahaan loogu adeego, iwm, 

Thanks

Advertisement

Ku Xayeysiiso