Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Wadada Cad Cabdi Maxamed Faarax (Cabdi- Wiiwaa) Aya Ka Warbixiyey Dhismha Wadadaasi Halka Ay Marayso..

(Toggaherernews)-Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Wadadad Cad Cabdi Maxamed Faarax (Cabdi- Wiiwaa) Ayaa Ka Warbixiyey Dhismha Wadadaasi Halka Ay Marayso..

Guddoomiyah Guddida Dhismah wadada Cad iskuna xidha Hargeysa ,salaxley Iyo Ina Guux Cabdi Maxmed Farax oo Arrintaasi ka warbixinaya ayaa yidhi:

(Wadadaasi cad waxa dhisay Talyaanigii oo hadan taariikhdeeda inyar aan ka sheego wadadaasi waxa dhisay talyaanigii 1937kii ,ilaa iyo dagaalkii halganka uu socday wax laga qabtay ma ay jirin dowladii horena wax badan kamay qaban laakiin markii laga qaxay somaliland wadadaasi way baabaday markaasi in badan ayaa la damcay in dib loo hagaajiyo oo injineeradii iyo aqoon yahankii  dadkii deegaanku ay damceen in ay hagaajiyaan waxaana dhacday in ay ku adkaatay in muddo ahna waxaa waday kooxdii dhaqdhaqaaqu ka bilowday ee UFO la odhan jiray ayaa bilowday oo ingineer Yuusuf Gaydh, Maxamed Baaruud waxay damceen in ay hagajiyaan hadana dhib badan ayaa ka qabsatay .

ka dib anoo qurbaha ka soo noqday ayaan 2003 dib u ambo qaadnay oo la kaashanayna Hay-adda wadooyinka Somaliland iyo UNHCR oo markaasi qaxoontiga lacag u haysay dib  usoo noqoshadiisii wasaarada dib u dajintu shaqo ayey ka qabatay ,mudadaasi lala tacaalaayey  wadada waxaa intaasi ka soo wareegtay intaasi Somaliland jirtayba wadaasina waxay ku dhowdahay in ay badhtankii taagan tahay oo 36 kilomitir ayaa dhammaaday oo laami ah ilaa qool caday ayey taagan tahay,inta hadhayna waa intii ugu adkayd ee banka Qool caday ilaa Salaxley  iyo lix iyo toban kilomitir oo ah Salaxley ilaa Ina Guuxaa.

Markaasi maalin dhawayd ayaa anigoo aad iyo aad u qadarinaya guddida Wadada Cad ayaa iiyeedhay waxaanay igu yidhaahdeen ka soo qaybgal shirbaa jira shirkii waxaa lagu dooranaayey Gudoomiyaha Gudida Wadada Cad oo aanan ogaynin markaasi sii isku mid ahna waxay iigu codeeyeen in aan anigu noqdo gudoomiyaha guddida wadada cad waana ay ku mahadsan yihiin.

far kaliya fool ma dhaqdo anigu kaligay waxba qaban kari maayo ummadda reer Somaliland oo dhan oo ay ugu horayso Madaxtooyada ,dowlada cusub haddii la iskaashado waa la qaban karaa oo sanad gudihi ayaa lagu dhamayn karaa 36 ka kilomitir ee hadhay).

Advertisement

Ku Xayeysiiso