Magaalada Barakaysan ee Madiina Munawara oo qaabishay Maanta Xujeydii u horeysay ee Sanadkan.


Maanta oo sabti ah Bishuna tahay 1 Dulqacda 1439 Waafaqsana 14 July 2018 ayaa madaarka Maxamed Binu Cabdicasiis qaabilay kooxo Martida Alle una tagay dhulka barakaysan gudashada Rukniga shanaad ee Islaamka oo ah Xajka.

Xujaydan ayaa ka timid wadanka Bangaladheesh waxayna tiradoodu dhamayd
419 Xaaji.

Maamulaha Cashuuraha ee Madaarka Mishcal Binu Xasan Alsubaydi ayaa cabiray sida ay ugu faraxsan yihiin qaabilaada mawjadaha martida Alle Ee u yimid gudashada Xajka Waxaanu sheegay in ay maanta hal ku dhagoodu yahay “Idina Ajarka Xajka ayaa leedihiin anana waxaa noo sharaf ah in aanu idiin khidmayno”

Masuulkan ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen qaabilaada Xujayda ayna kordhiyeen hawlwadeenada si ay u fududeeyaan uguna dhakhsadaan hawl socod siinta Duyuuf Raxmaanku si fudid oo sahal ahna u gudbaan.

Waxaanu Madaarku Saacadii ba Qaabilayaa 3,800 Xaaji

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso