Wasiirka Maaliyaddu Hambalyo Mooyee,Hagar-daamo Ma Mudna

Wasaaradda Maaliyadda Wax-badan kusoo Kordhiyay Waana Shakhsiyaddii Ugu Wanagsanaa ee La odhan karo Muuse biixi waa God uu Shaxdisi Helay.

Cabdi ahmed

Wasiirka Maaliyaddu Hambalyo Mooyee,Hagar-daamo Ma Mudna 

In dhawaydba Waxaan Warbahinta Ku arkayay Shakhsiyaas SI Caadifadaysan U Dhaliilaya Wasiirka Maaliyadda Mudane Yusuf Rage,kuwaasi oo Xaalkoodu Yahay Been Abuur,caadifad,Naxli iyo cadho ka Dhalatay Wiilka Dhalin-yarada ah ee Hogaanka U qabtay Wasaaraddii Dulmiga iyo Danaysiga qayrkeed Lagaga Rebay.

Wasiir Yuusuf Miyaanu Hogaanka U qaban Wasaaradii Maaliyadda oo Gabal u dumay?Miyaanu Hirgalin Qorshihisii ahaa Right position,with right Person Bal yara booqo uun Wasaaraddii Maaliyadda Intaad Cuqdada iyo Naxliga La dhex-scoto Baraha Bulshada Judhaba Waxa Ku qaadi Saxansaxada Maamul wanaaga Ka Hanaqaaday Wasaaraddii Maaliyadda.Bal Aan Hoos Ugu Sii Socdo Wasiir Yuusuf Moahamed Abdi oo Ah Wiilka Dhallinyaradda ah ee Muujiyay dedaalka iyo Kartida badan Ma daalaha WaqigisII u Hurray Soo celinta Haybaddi Wasaaradda Maaliyadda.

Waa Shakhsi Ku Koray bartayna kuna xeeldheer Cilmiga Diinta (Dib uun u jaleeca khudbadihiisa adaaba ka dhex-dhadhansan haddii in uu Indhahaga iyo dhagahaagu maqlaan arkaan Wanaga iyo Samaha) Waa Shakhsi Daacada,Karti badnaan Dul-qaad iyo Hawlkarnimo Kuso Gaadhay Illaa Heer Waasiir,Waa Shakhsi Debecsan oo Naxariis badan Waana Shakhsi Ku adag Shaqadiisa Cidna aan U daba Fadhiisan.Waa Shakhsi Aftahanimo iyo Cod-karnimo Rabbi ku Galladay Wana Hadal Yaqaan Godka Hadalka Yaqaan. 

Wasiir Yuusuf Waa Shakhsi Karaamo,xushmad qadarin,iyo Qawl nadiifa Leh,Waa Dhallaankii Ku Kacaamay Maamulka Hay’addaha Dawladda.Hillaadii 1996 ayuunbay ahayd Markuu Saaxadda Wasaaradda Kasoo Kaalin Galay,Waxaanu ku Dhawaad 20 sanno ee u danbeyay Ahaa Sarkaal Hawlkara oo Wasaaradda Maaliyadda Wax-badan kusoo Kordhiyay Waana Shakhsiyaddii Ugu Wanagsanaa ee La odhan karo Muuse biixi waa God uu Shaxdisi Helay.

6 Bilood Ka Dib Iyo Waxqabadka Uu Hirgaliyay.2016/12/14 ayuunbay ahayd Markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Bixi Cabdi u magacaabay wasaaradda Maaliyadda U Magacabay Wasiir Yusuf Mohamed Rage Oo Isagu ah shakhsi waayo-aragnimo badan u leh Hanaanka Ma   amul Xisaabeedka Kana Soo Shaqaynay Waqti aad u dheer,tallaabada madaxweyne Muuse ayaa iyaddu ahayd Tallaabadii ugu ugu haboonayd ee uu wasiirka maaliyadda ku xushay,waxba yaanan ku sii fogaane aan dib ugu noqdo Dedaladda Waxqabad ee mudane Yusuf Gacanta ku hayo qaarna uu qabtay.

Dhinaca Maamulka Iyo Hawlgalinta Shaqaalah.

Shaqalahu Waa Laf dhabarta shaqada,haddaba Wasiir yusuf waxa uu UGU Horraynba dhisid iyo kor u qadid ku sameeyay shaqaale waynaha Wasaaradda Maaliyadda Isago tababaro la xidhiidha shaqadod u qabtay,sido kale waxa uu Sameeyay Shaqada iyo Shaqalaha Iyo Siday Ugu kala Aqoon iyo Waayo-aragnimo badan yihiin Waxaanu Ugu Horrayn Isku shaandhayn Ku sameeyay Dhamaan Maamuladda Kastamadda,Agaasime Waxedada iyo Maamulayashaa Madaxa Qaybeedada Isago Ka duulaya Halku dhagii ahaa “Sarraynta Sharciga”Wuxuu HirgaliyayNidaamka ah “Right person with Right posion”.Tallaabadan ayaa culimadda aadka u dhuun daloola Siyaasadda Dalku Waxay ku sifeyaan Tallaabo guul ahayd sidoo kalena Budh-dhig u ahayd Guulaha Wasaaradda Maaliyadda ee is daba jooga ah iyo Hananka Wada-shaqayneed ee ka hirgalay Isla wasaaradda,Jawi wada socod iyo Wada Jaanqaad ayaa ka Hanaqaday Wasaaradda Waan Mid kamid ah dhababha uu u maray Isbadalka Baaxadda Leh ee UU Sameyay Wasiir Yuusuf.

Bedelka Miisaniyaadii Hore Ee Ahaa Line item bugetry Waxa uu ku Badalay Hab Miisaniyadeedka Cariga ah ee capital budget and performance,waxaana si rasmi ah markii u horraysay looga soo guura hab Miisaniyadeedki ku salaysanyd habka dhelitirka Kharashka iyo Dakhliga

   Lasocod Wacan 

Advertisement

Ku Xayeysiiso