Shan Astaamood oo Hogaamiyeyaasha Wanaagsan Lagu garto.

Way badanyihiin astaamaha ama calaamadaha lagu garto hogaamiyeyaasha wanaagsan balse waxan ku soo koobay shantan qodob.

1. Dhiirrigelinta: Waxaa jira labo nooc oo geesinimo ah jidh ahaan iyo anshax ahaan Cidda hogaamiya ahi waxay u baahan tahay geesinimo anshax leh Tani macnaheedu waa inay istaagto kala xulashada iyo khiyaamda
waxayna tilmaamaysaa in hoggaamiyeyaashu ay qaadaan mas’uuliyadda saaran ama loo igmaday.

2. Daryeelidda: Daryeelidda waxaa loola jeedaa muujinta dareenka dhabta ah ee hogaamiyaha Waxaa ka mid ah tixgelin, naxariis, xushmeyn, Daryeelida macnaheedu ma aha in loo dulqaato ama la iska indha-tiro waxqabadka jilicsan, xadgudubyada siyaasadaha, dabeecadaha xun, ama been-abuurka, Guud ahaan Hoggaamiyeyaasha daryeela cida ay hogaaminayaan waxay u badan tahay in lagu abaalmariyo habdhaqankooda suuban.

3. Wanaagfilid : hogaamiyuhu waa in uu noqodaa mid dhanka wanaagsan wax ka eega markastana wanaag fisha inta badan hoggaamiyeyaasha dhanka wanaagsan wax ka eega waa kuwa ugu fiican, uguna faraxadda badan kuwaas oo leh “Tani waan samayn karnaa”.

4. Is-xakamaynta: Hoggaamiyeyaashu waa inay doortaan waxa ay samaynayaan dabadeedna ay aqbalaan cawaaqibta doorashadooda ka dhalata Tani waxaa ka mid ah edbinta shakhsi ahaaneed ee dabeecadaha iyo qaab nololeedka. Is-xakameyntu waxay tusineysaa in hoggaamiye ahaan in uu leeyahay hage ku filan iyo hindisid iyo sidoo kale aragti cad oo diiradda saaraysa himilooyinkiisa.

5. Isgaadhsiinta: Waxaa jira habab badan oo ah isgaadhsiin dadeed – calaamado qoran, hadal, iyo hadal la’aan, dabeecad iyo luqad jidheed, iyo sidoo kale isgaadhsiinta ficilada iyo muuqaalka Dhageysiga sidoo kale waa qayb muhiim ah oo ka mid ah isgaadhsiinta Xidhiidhka hoggaamineed.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa Somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso