Madaxweynaha wuxuu doonayaa in adeega hawlaha Xajka 4.5 laga dhigo. Hada waxaa meesha haysta shirkado qolo reer Waqooyi iyo kuwo reer Muqdisho ah leeyihiin, Ilaahow yeysan sanadkaan Xaj la’aan nagu dhicin. Xildh Cabdiraxmaa Cabdishakuur

Saaxibkeey ayaan waydiiyey maxay tahay halkii aan sugaynay in madaxda qaranku ay wasaaradaha iyo hay’adaha amniga ku shaqa leh kala xisaabtamaan weeraradii Kooxda Alshabaab ku qaadeen xarunta Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha, ayey xilkii ka qaadeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo xilka hayey 40 cisho oo keli ah iyo Agaasimaha Hay’adda Duulista Hawada oo dalka dibadiisa ku maqan.

Wuxuu igu yiri ma adigaa war haya. Waxa waraaqo is dhaafaya oo arrimaha Xajka looga hadlayo ma arag miyaa? haa waan arkay, laakiin waan la yaabay ayaan ugu jawaabay. Wuxuu igu yiri ma aragtay in Trump uu dagaal ganacsi ku qaaday Yurub, Canada iyo Shiinaha, waxaan ku iri haa, wuxuu igu yiri sababta ma taqaan? waxaan ku iri, haa waa nin ganacsade ah, wuxuu igu yiri madaxdeena iyo rag kaloo ka ag dhow waa ganacsato, wax amni ka galay ma laha, meeshii dheef laga sheego ayaa wax kasta uga daran, wuxuu iigu daray, laakiin madaxweynaha wuxuu doonayaa in adeega hawlaha Xajka 4.5 laga dhigo. Hada waxaa meesha haysta shirkado qolo reer Waqooyi iyo kuwo reer Muqdisho ah leeyihiin.

Waxaan soo xasuustay hadal uu horay u yiri Farncis Fukuyama ee ahaa musuqmaasuqu waa luuqa ama jiirada lagu soo leexdo markii hadafku kaa lumo, (detour of missed objective). Walee falceliska laga bixiyey weerarkii Alshabaab wax kale oo lagu fasiri karo ma laha aan ka ahayn xikmada Fukuyama sheegay ee Ilaahow yeysan sanadkaan Xaj la’aan nagu dhicin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso