Jawaab Celinta Maqaalka Ciwaankiisu ahaa…..

Jawaab Celinta Maqaalka Ciwaankiisu ahaa:-

“Wasiirka Maaliyada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Safar Kharash Badani ku baxaay Tamashlayn iyo asxaab Booqoasho Dhawr Caano-maal u Jooga Dalka Itoobiya”,

kaas oo lagu durayay Wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland mudane Yuusuf Maxamed Cabdi Raage.

Hadaba maqaalkani maaha mid si waaqici ah xog sax ah u bixinaya waayo waxaa ka muuqata hinaase shaqsiyadeed oo lagu duulaan yahay xilka uu hayo wasiirka maaliyaddu, waayo sababo maangal ah oo loo cuskanayo eedeyntiisa ma muuqato waxaan is leeyahay waxaa qoray qofaan aqoon dheer u lahayn arimaha leadership-ka waayo muu yidhaahdeen xafiiskii ayuu ka maqan yahay oo wuxuu garan lahaa in leader ka wanaagsani yahay qofka shaqada qaybiya ee aan isu wada duubin kaligii.
Wasiirku haduu wasaaradda ka maqanyahay waxa ka hooseeya wasiir ku xigeenkiisi oo dastuurku xaqa u siiyay  inuu hawsha wasaarada sii maamulo inta wasiirku maqanyahay.

Markaa adeer halkaa ma jirto wax Shaqo ah oo wasiirka ka baaqanaya.

Isla markaana waa qof aaan garanaynayn in masuuliyadda ay hawl wadeeno kale la wadaagan wasiirka .

Waa qof aan xog ka hayn ujeeddada safarka wasiirka .
Hadaba wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi waxa uu casuumad rasmiya ka helay machadka shaqaalaha Dawladda Ethiopia (Ethiopian Civil Service University).

Kaas oo uu isaga laftiisu ahaa Ardaydii shahaadada labaad ka qaadatay Isla jaamacaddan shaqaalaha dawladda ethiopia.

Taas oo ay Ethiopia ku sharaftay wasiirka maadaama uu isaga laftiisu arday ka ahaan jirey.

Ardaydan uu la sawiran yey-na waa Ardaydii ka qalin jabisay Jaamacadda Shaqaalaha Ethiopia.

Jaamacaddani waxa ay sanad walba sii saa Somaliland Scholarship ay dad badani ka aflaxeen, haddaba wasiirku isagoo tix galinayya Taageerada aan qarsoonayn ee Jaamacaddu Siiso Jamhuuriyadda Somaliland ayuu aqbalay martiqaadkii ay jaamacaddu u fidisay.

Waanu ka qayb galay xafladdii Jaamacadda lafteedana wuxuu kala hadlay waxyaabo badan oo ardayda hadda dhigata iyo kuwa soo socdaba anfacaya.

Miyaanu ogayn in wasiirku aanu dalka ka dhoofi karin iyadoo aanu  ka war-qabin Madaxweynuhu.

Arinta kale ee ah Xil ka wayn buu qaaday waa arin hinaase iyo xaasidnimo ah sabaabtoo ah wasiirku wuxuu noqday Qofkii ugu mudnaa ee Abid soo mara wasaarada maaliyada xag aqooneed, xag waayo aragnimo iyo xag daacadnimo-ba.

qaabkii Uu miisaaniyadda wax uga bedelay wasiirka cusub ee maaliyaddu waxay ahayd mid shacabka Somaliland uga marag kaceen qaabkii uu u diyaariyay oo ahaa qaab casri ah.

Kaas oo kaga duwanaa  miisaaniyadahii hore;
1. Qaabka  diyaarinta.

oo ahaa hab ku dhisan (Capital budgting) halka miisaaniyadii hore ay ahayd  mid ku dhisan (kharashka Dawlada).

Sideedaba miisaaniyadda qaranka waxa sameeya saraakiil ka tirsan wasaarada oo shaqadoodu tahay waligood-na samayn jiray miisaaniyada qaranka.

Habka loo sameeyo miisaaniyadda qaranka.

System dajisan ayaa lagu sameeya iyadaana shaadhaysa kharashaadka ay wasaaradaha kale soo smaystaan inay yihiin kuwo macquula iyo in kale…

Waanaynu wada ogayn habkii & qaabkii hufnaa ee  uu wasiirku golaha Wakiilada ugu gudbiyey miisaaniyadda oo ahayd daahir yaa shamis.

Waxaan iyana daah saarnayn
kobocii dakhli uu wasiirku golaha ka hor akhriyay.

Isagoo wasiirku xakameeyey lacago badan oo kuwan ka daba qaylinayaa si sharci daro ah u leexsan  jireen.

Isla markaana wuxuu cidhib tirey kooxo ku mamay hantida ummadda sida kuwo ahaa lama taabtaan oo hadda soo adeegsanaya magacyo beena Iyo emailo aan jirin.

Ugu denbeyn;

Kuwa Yuusuf Maxamed Cabdi dhalleecada & Ceebaynta uga dhigay in uu safar ugu baxay Ethiopia waa qaar waayey eed & ceeb kale waxaanay ka markhaati fureen inuu yahay ceebka salliim.

Waayo ?

Haday intaas wax ka badan hayaan umay qariyeen oo way sheegi lahaayeen.

Waxa kaliya ee ay ka dhigeen ceeb iyo cay intaas yar ee aan macnaha ku fadhiyin ayey noqotay.

Waxaad moodaa in dadka qaar uu ku dhacay u quudhi waa & Xanuunka Hunguri maskaxa la yidhaa, waxa ay tahay qoraalka riqiiska ah ee lagu eryanayo Wasiirka Maalliyada mid ah hunguri & Iimaan la,aan & oo wax badan oo lagu bartay Wasaaradan laga waayey oo ay dad badan ku dhacday u qaadan waa.

Ilaahay ayaa samada wax ka magacaaba oo waa maktuub wax weliba ee Makhruuqoow ma ilaahay ayaad la dagaallami?

Al muhiim qoraalkaaga aad is leedahay wax ku dhalleecee wuxuu noqday markhaati in aad ceeb u wayday Wasiirka maaliyadda marka la eego ama si deeply ah loo dhugto waxa aad Cuskatay Wasaaradu hawlwadeeno hadii Wasiirku maqanyahay hawsha wadi kara ayey leedahay safarka Wasiirkuna maaha mid maanta kow ah oo aad bay uga safar badnaayeen kuwii aad ku barratay dhaameelka aad isaga ka wayday.

Dhamaan qodobada wasiirka lagu eedeeyey oo dhan waxa aan u arkaa cid wax ka tabanaysa oo isleh kaga aargoosta ama ku fadeexadeeya baraha bulshada iyagoo waayay wax ay u cuskadaan dhaliishooda & fadeexadooda raqiiska ah.

Waxaan ku soo gunaanadayaa;

In la maxkamadeeyo qolada haysa wasiirku wuxuu ku tagrifalayaa hantidii qaranka.  Waana inay keenaan cadayn muujinaya lacagta qadarkeeda.

Mana aha kuwo keeni kara waayo waa mala awaal iyo cid isle wax buu idiin ka hor istaage fadeexadeeya.

Allaa Mahad Leh.

Qalinkii; Gar. Keyse Koosar Cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso