Gudaha Ka Eeg :Guddidi Dhismaha Waddada-Cad Oo Loo Doortay Gudoomiye Cusub .

Waxaa manta oo bishu tahay 11.07.2018, xilka Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Waddada-cad loo Doortay  Eng. Cabdirisaq Muxumed Faarax (Wiiwa) .

Waxaana xilkaasi si wada jir ah ugu doortay Guddida Guud ee Sahan-barwaaqo iyo Guddida Dhismaha Waddada-cad .

Xilka Gudoomiyanimada waxaa ka geeriyooday alle ha u naxariiste Gudoomiyihii hore Marxuum Cali Sanyare, oo intii uu gudoomiyaha ahaa ay dhamaadeen labadii wajji hore ee dhismaha waddada-cad .

Waxaana Gudoomiyaha Cusub ee hadda xilkaasi loo doortay u taalla bilawga wajjiga Sadexaad ee Dhismahaasi, oo noqonaya wajigii ugu dambeeyay ee dhismaha wadadaasi, kaas oo u dhaxeeya Qoolcaday ilaa ina Guuxaa .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso