Wasiirka Arrimaha Gudaha Jarmalka ayaa dabbaal dega dhalashadiisa 69-aad ku xusay Mustaafurinta 69 Afgaanistaan ah


Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka Horst Zehover ayaa muujiyey sida uu ugu qanacsan yahay in la mastaafuriyo 69 Afgaanistaan ah dabaldega dhalashadiisa 69-aad, isaga oo ammaanay sii kordhinta masaafurinta dadka ajnabiga ah ee la diiday codsiyadoodaa.

Waxa uu ku sheegay shir jaraa’id in uusan weydiisan in dhalashadiisa 69aad in la mastaafuriyo 69 qof laguna celiyo Afgaanistaan, laakiin isla markiiba waxa uu amaanay tirada masaafurinta dadka la diiday.

Tirada magangalyo-doonka imanaya Jarmalka sannadkan waxaa la filayaa in ay ka badato 220,000 oo ay ansixiyeen dhinacyada, sida uu sheegay Zohofer.

 
Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso