Bal si daawo loo helo darsa eelka lama odhan”. Garyaqaan kayse

Wali waa laga war-wareegayaa cidii kala fardaamin layd  labada beelood ee dirirtu ku dhex martay deegaanka ceel af-weyn.

“Bal si daawo loo helo darsa eelka lama odhan”.

Nin ogaadeena ayay hali ka luntay hashiina waxa helay nin habarjeclo ah dadkuna sidan way ka yaraayeen oo waa lays wada yaqaanay.

Ninkii ogaadeen wuxuu raadiya-ba hashii hel maalin walbana wuxuu tagaa geedka reer daahirka isagoo og ninka hashiisii haysta hadana wuu iskaga soo noqdaa.

Maalintii denbe ayaa lagu yidhi waar maxaad horta nimankan ugu sheegan wayday hashaada kuye ninkii u sheegi-laa inaan hasha leeyahay ayaan wali maqan!!.

Maalmo ka dib ayaa waxa loo yeedhay ninka ina san weyne la odhan jirey oo ninka hasha haystaana sodog u ahaa, ina san weyne ayaa hadalkii u baxay waxaanu ku bilaabay gartu seedi & sodog-toona ma taqaanee ilaahay bay taqaanaa Kolkaa aabo ninka hashiisa sii.

Ninkii ogaadeen;

ayaa ina san weyne ku yidhi ma hashaan ku siiyaa mise hal baan ku idhaahdaa??.

Ina san weyne;

ayaa ugu jawaabay ninkii ogaadeen  hal ii dheh.

Ninkii ogaadeen markuu ku noqday deegaankiisii ayuu qofkii ay wada murmaan-ba ku yidhaahda ina san weynana u geee.

Halkaas ayay ku baxday maah-maahda ina san weynana u geee.

Hadaba xal u helista mashaqada colaadda ceel af-weyn wali way maqantahay cidii kala fardaamin layd ee runta u kala sheegi layd labada beelood ee dirirtu ku dhex martay deegaanka ceel af-weyn !!.

Sidaynu wada ognahay waxa soo noqnoqotay colaadda ceel af-weyn kolba  wefdiyo & ergooyin ayaa loo diraa mar kasta oo ay wax ka dhacaa, ergada & xubnaha xukuumadda ka socdaana kaliya waxay ka hadlaanuun tirada dhimashada labada beelood awaamiir & amarana way soo rogaan “lama arki karo nin denboo qori sita & cida mar denbe fitno kicisa waxa lagu ganaaxi doono waxaa iyo waxaa”!.

Wali miyaad maqashay cid ka hadlaysa waxa laysku dilay & halkay sartu ka qudhuntay ee laysku dilayo ?.

Waxaynu maqalnaa uun maxaa layska dilay & awaamiir la bixiyo.

Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye.

Kaaga darane wali waxa meesha ka maqan cidii xogogaalka u ahayd Waxa laysku hayo ee laysku dilayo ee runta u kala sheegi layd labada beelood.

Imika ma cid baa iga yeelaysa ceel dhanaan ciidagalaa leh. Saw imika dadku uma yaqaanaan ciise muuse oo hadda degan.

Halkanna taa waxba kagama duwana oo waa kaanuhu maanuhu.

Yaalaa deegaanadu waxay isu riixaan si rabaaniya oo halkii aad shalay taalay ee lagugu yaqaanay ayaad si alle uun uga durkaysaa iyadoo aanay jirin cid xoog kaaga qaaday kaliya si automatic ah uun baad uga tagaysaa adigoo cid kale-na sii riixaya.

Imika deegaanka laysku hayo labada reer midkood ayaa bari & hawd uga guuray iyadoo aan cid ka riixday aanay jirin. Waxa kale oo isna jira tuule waa-hore ay ka guureen beel ka mid ah labada beelood ee deegaanka ceel af-weyn. Tuulahaas oo wakhti denbe soo degtay mid ka mid ah labada beelood.  Oo dhawaana ay martay wadada laamida ah ee ceerigaabo. Iyadoo ay dib ugu soo noqotay beeshii hore u ooli jirtay.

Markaan soo ururiyo waxa laysku hayaa waa dhul & deegaanaa la kala sheeganayo. Oo beelina hore u ooli jirtay halka beesha kale-na gadaal ka soo degtay, ka dib-na beeshii hore u ooli jirtay dib ugu soo noqotay.

Waana halka sartu ka qudhuntay ee laysku dilayo.

Waxaana ka garnaqi kara uun cidii xogogaalka u ahayd ee labada beelood ee is haya midkoodna ahayn.

Kolba ergo cusub & xubno xukuumadda ka mid ah ayaa u taga xal u helista colaadda ceel af-weyn laakin wali lama garan xalkeeda & waxa laysku hayo ee dagaalka keenaya.

“Bal si daawo loo helo darsa eelka lama odhan”.

Shalay waxa wasiir ka ahaa meesha maxamuud xaashi maantana ina kaahin baa ka ah oo mar walba dhinac ka mid ah labada beelood uu dhagtuun wax kaga hayay.

Dadkii xogogaalka u ahaana dib ayay u fadhiisteen ileyn cid wax waydinaysaa-ba ma jirtee, waana sababta keentay in la yidhaahdo xukuumaddu dhinac bay ka tahay colaadda. Waayo xukuumadiibaa ka meeraysanaysa halkii xalku ku jirey oo marnaba aan abaareyn.

Kolkaa in la yidhaahdo dhinac bay ka tahay waa daw & biyo Kama dhibcaan aan laaxin laga jareyn.

“Bal si daawo loo helo darsa eelka lama odhan”.

Ugu denbeyn waxaan madaxweynaha qaranka JSL & cid kastoo ku hawlan xal u helista colaadda soo noqnoqotay ee ceel af-weyn u soo jeedinayaa inay dadka deegaanka ee xogogaalka u ah waxa laysku hayo wax ka waydiiso si loo helo xalkeeda.

Waayo wixii kale-ba waa tiih, maneeno & iska daba wareeg laga war-wareegayo halka xalku ku jiro.

Ilaahay waxaynu uga baryaynaa inuu garansiiyo halka xalku ku jiro cid kastoo ku hawlan xal u helista mashaqada ceel af-weyn.

Wabilaahi Ataw-fiiq.

Qalinkii : Gar. Keyse Koosaar Cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso