Iran oo Hanti Maaliyadeed kala Baxaysa Jermalka

Wargeyska Bild Ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in masuuliyiinta Jermalku ay darsayaan dalab ka yimid Iran oo ah in hanti gaadhaysa 300 Milyan oo Euro ay kala baxaan xisaabadka ay ku leeyihiin Jermalka loona xawilo Iran.

Wargeyska ayaa intaa ku daray in Iran ay doonayso in hantidooda kala baxaan Banka Yurub Iyo Iran sababtoo ah iyaga oo ka baqaya cunaqabataynta Maraykanka ee Iran.

Washington ayaa soo rogtay cunaqabatayno cusub, dhamaan dawladahana ka codsatay in aanay iibsan joojiyaana iibsashada shidaalka Iran marka la gaadho Novmber ta soo socota, Shirkadahana waxa la faray in ay dhamaan joojiyaan la macaamilka Iran haddii kale waxa lagu darayaa Liiska Madaw.

Geesta kale Shirkadda Qaadista
alaabooyinka ee Koontineerada Faransiiska ah ee CMA CGM ayaa dhamaan joojisay wixii shaqo ah ee ay ka haysay Iraan iyada oo ka baqaysa in ay saamayso Awaamiirta Maraykanku.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso