Madaxweyne Ku Xigeenka Qaranka Somaliland Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminaayo Ayaa U Ambabaxay Deegaanka Ceel Afweyn…

(Toggaherer)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminaayo Ayaa U Ambabaxay Deegaanka Ceel Afweyn…

madaxweyne ku xigeenka somaliland cabdiraxmaan c/laahi ismaaciil saylici iyo wafti culus oo uu hor kacaayey ayaa ka ambabaxay maanta caasimada somalialnd ,iyagoo u xadhko xidhay wax ka qabashada shaqaaqada ka taagan ceel afweyn iyo sidii shacabka goobtaasi dirirtu ku dhex martay loo heshiisiin lahaa nabad buuxdana looga dhex dhalin lahaa iyadoo waftigaasi ay iskugu jireen culumada dalka xubno ka socday,madax dhaqmeedka iyo Masuuliyiin ka socotay Golaha wasiirada somaliland,madaxweyne ku xigeenka oo arrintaasi kahadlaaya ayaa yidhi:

(Waxaanu halkani shirka jaraaid ugu qabanaynaa oo ummada reer somaliland u sheegaynaa ama farin aanu u gudbinaynaa in aanu maanta u baxayno haddii aanu nahay madaxdii qaranka somaliland iaydoo aanu abaabulnay ergo madax dhaqmeedkii iyo culimadii iyo ax garadkii ummadda reer somaliland oo dhan sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqadii mudada ka socotay deegaanka ceel afweyn oo runtii inagu ahayd nabar fool xun oo ummadeenii isdhashay ee ehelka ahayd muddo badan dagaalkaasi ku soo noqnoqday ayaa waxaanu halkanu ummadda somaliland u sheegaynaa in howshaasi loo baxaayo iyadoo ergadiina baxday oo la diyaariyey ergadaasi oo ka kooban lix iyo lixdan ergay oo iskugu jira dhaqankii hadii uu suldaan ahaa iyo haddii uu caaqil ahaaba kana kala yimid dalka oo dhan gees kagees waxaana maanta la go-aansaday in aan lagu kala maqnaanin si howshaasi loo soo afjaro waxaana loo baxayaa Arrin sulux ah.

Waxaanan ummadda reer somaliland u sheegaya dhammaanteedba in meeshaasi dhibaatada ka jirta in cid wanaag ku darta iyo cid baqtiisa oo nin walba dhankiisa biyo kaga shubo mooyaane in aan dhibaatadaasi cidna dab ku darsanin oo aanay af iyo adinba dhibaatadaasi ugu darsanin ayaan ugu baaqayaa meel ay joogataba sababtoo ah ummad isdilaysa  in la siyaasadeeyo oo ummadda siyaasad lagaliyo oo lagaga faaiidaysto ma qurux badna waxana ummadda reer somaliland aan leeyahay noogu soo duceeya howshaasi oo aanu u dhaqaaqnay).

Diyaarinta(Mr-Ayuubi).

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso