Waa Fikrad Madhan, Kuna Dhisneyn Cimi iyo Caqliyadtoona.

Waa Fikrad Madhan, Kuna Dhisneyn Cimi iyo Caqliyadtoona.

Waligeed dunnida kamay dhicin hawlaha wax-qabad iyo dadaalada ay muujiyeen Gollaha wasiiraddu in lagu kala saaro fikraddaha madhan ee aan ku dhisan cilmiga iyo caqliyad toona, xayeysiiskan lagu dhajiyey wadooyinka ee ay ku xardhan yihiin erayada qoraalka farta waaweyn leh “ U codee wasiirka qaranka ugu wanaagsan ee qarankiisa kaabay” caasimadda Hargeysa.
Mana’aha arrintani mid lagu caayayo garaadka dadweynaha oo kaliya, laakiinse, waa mid ceeb ku ah oo innoo iftiimaysa heerka garashaddooda aqooneed uu gaadhsiisan yihiin Gollaha Wasiiradda uu hormoodka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muddane, Muuse biixi Cabid .
Sababtoo ah, sumadda codeynta waxa lagu kala saaraa laba shay ama murashaxiin u tartamaysa jagada xubinnimada Gollayaasha iyo Madaxweynenimadda, kaasoo noqda dhawaaqa “ Haa ama Maya”, gacan taag, warqad qarsoon oo lagu qoro cida aad u codeynayso iyo hadal lagu shaaciyo magacayada qofka codka aad siinayso.
Haddaba,marka aynu hanti-dhowrka guud iyo gollaha baarlamaanku, waxay leeyihiin hab iyo nidaam gaar ah oo ay ku qiimeeyaan hawlaha wax-qabad ee ka socda wasaaraddaha dowliga ahi, wixii u qabsoomay iyo hawlaha wax-qabada ee hakadku ku yimid.
Qiimeyntaasoo ka soo unkatay dhibaatooyinka iyo baahiyaha dhabta ah ee ka jiray dhamaan goobaha adeegyadda bulshaddu u baahan tahay hellitaankooda, hufnaantooda, tiraddooda iyo tayaddooda, waana jihada ugu wanaagsan ee lagu ogaan karo hadafkii la hiigsanaayey in la gaadhay, laguna hagaajin karo wakhtiga lagu guddo jiro hirgalinta hawlaha wax-qabad ee socdaa, in sidii loogu tallo-galay ee ugu fiicneyd loogu dhameystiray, Waxa kale, oo ay inoo sheegtaa wixii lagu kordhin lahaa ee lagu gaadhi lahaa hadafka himiladdii la hiigsanayey, ama laguna tayeyn lahaa xirfadda iyo aqoontaba.
Sidoo kale, waa mid lagu falan-qeeyo xaaladdaha adag xogaha baadhitaanadda laga soo ururiyey hawlaha wax-qab, sidii ay u socdeen, astaamaha dabeedeedihii ay lahaayeen iyo natiijooyinkii ka dhalatay, kaasoo laga dheehan karo go’aamadii lagu sii wanaajin lahaa hadafkaas wax-tarkiisii, taasoo, diiradda la saarayo xaaladda taagan.
Runtii shaki kuma jiro mashruucan in ay wadaan oo ay dabada ka riixayaan Gollaha wasiiraddu, haddii aanu talaabo ka qaadin arrintan, waa mid bar-maddow ku noqon doontaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane, Muuse Biixi Cabdi, ee u wakiishay xilkaa masuuliyadeeda ay hayaan.

Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso