Ururka Suxufiyiinta Haweenka Somaliland Ee Wija Ayaa Baaq Nabadeed U Diray Jufooyinaka Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhexmartay Ceel Afweyn.

(Toggaherer)-Ururka Suxufiyiinta Haweenka Somaliland Ee Wija Ayaa Baaq Nabadeed U Diray Jufooyinaka Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhexmartay Ceel Afweyn….

Ururka Suxufiyiinta Gabdhaha Somaliland ayaa baaq nabadeed oo wado jir ah udray jufooyinka waalalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaankaasi ceel afweyn.

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta haweenka somaliland Ee Wija  Yaasmiin Axmed Yuusuf  oo arrintaasi ka hadlaysa ayaa tidhi:

(Waxaanu halkani uga diraynaa baaq nabadeed haddii aanu nahay ururka suxufiyiinta Ee haweenka somaliland waxaanu baaq nabaded u diraynaa walaalaha shaqaaqadu ku dhexmarayso deegaanka  ceel afweyn oo mudooyinkan dambe aad inoogu soo noqnoqday ayaa waxaanu aad uga xun nahay dagaalkaasi iyadoo dagaaladu ay saameeyeen dalalka jaarkeena oo aynu in badan arkayno oo aynu inagu ku caanomaalnay nabad ayaa hadana waagii baryaba aynu maqlaynaa waxbaa yara dhacay shaqaaqaa dhacday marka looeego dowladaha jaarkeena alxamdulilaa ayeynu ku jirnaa ,hadana intaa maadaama aynu nabad balaadhan haysano intaasi ayaa ina diirinaysa ooma ogolin oo qaran-nimadeena dalkeena iyo dadkenaba wax u dhimaysa haddii aanu haweenka nahay ama hooyooyinka nahay anagu aad ayaanu uga damqanaynaa waayo waa inankayagii waxaa weeyaan walaalkayo cidda dhimanaysaa waxaa weeyaan cid aan marnaba aan naga fogeyn markaasi waxaanu leenahay sida dadkeenuba ku soo celceliyeen dagaal wiil uunbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho dagaaladuna way kala xun yihiin kani waa mid sokeeye oo waa mid gudaheenii ah oo waa mid inan iyo abtigii ah oo waa mid dhexdeenii ah markaasi waxaanu leenahay halajoojiiyo dagaalkaasi waxaanu horeyseiyo dambayso ku baaqaynaa in la damiyo oo la joojiyo colaadahaasi tan kale waxa la isku hayaa ma aha wax weyn mana aha wax cidi ku dhimato oo dhiig lagu daadiyo waa waxyar oo aynu maqlaynaa waa aano hebel ayaa la dilay oo hebel ayaa loogu aarayaa caqli galnoqon mayso tii hore halkii laga dhamayn lahaa hadii alyidhaahdo tu kale ayaa loogu aarayaa dee aqli gal ma aha waxaana aqliga galaysa tii hore nabad ha lagu dhameeyo oo miiska wado hadalada ha la iskugu yimaado ,waxaanu ku baaqaynaa nagoo haweenkii safaaxadda ka wakiil ah iyo kuwii somalilandba afkoodaba waxaanu leenahay haweenow ka kacoo idinna ha fadhiyinee kaalintii qaata dagaalka idinkaakaalin qaadan jiray oo nabada idinkaa kaalin qaadan jiray  oo baahida idinkaa kaalin qaadan jiree maanta kaalintii haweenow aad uma muuqatee haweenow dhexda xidhoo maahmaah soomaaliyeed ayaa waxay tidhaahdaa wayway naageed iyo wii kaneeco midna looma adkaystee  haweenow dhexda xidhoo inta isdilaysa haddii haweenku dhexda xidhaan oo ay ku guntadaan inanka way qaban karayaan odaygana way qaban karayaan inantana way qaban karayaan waxaanu ku baaqaynaa baaq nabadeed waar ha la heshiiyo oo ha la isdaayo miiska wado hadalada halagu dhameeyo ayaanu leenahay).

Diyaarinta-Caydaruus Cismaan-Mr (Ayuubi)-

Advertisement

Ku Xayeysiiso