Maayirka Hargeysa Boqor iyo Budhcad Badeed mohamed hoosh


Boqorkii Alexander ee Dunida Badhkeed Furtay Ciidamadiisa Soo Qabtay Nin Budhcad Badeed ah Alexander ayaa la Hor Keenay

Boqorkii Ayaa Weydiiyay Sideed ugu Dhacdaa Inaad Badda Wareeriso ?
Budhcad-Badeedkii Wuxu ku Jawaabay Anigu Doon -Yar Ayaan Badda ku Weeraraa Waxa la Yidhaa Budhcad-Badeed

Adiguna Maraakiib iyo Hub Culus Ayaad Ku Furataa Dad iyo Dalal Dhan Waxaa Lagu Yidhaa Boqorkii Boqorada !!!

Sheekaba Sheeko Ayay Keentaa,Wadaad Ganacsade ah oo Ku Jira Dadka Somaliland Soo Dhawaysay Wuxuu Laaluush Qaate ku Tilmaamay Askari u Shaqeey Dhawr Cisho oo u Siiyay $40 !!! 
Wadaadka Waxa Ku Maqan Cashuur Badan iyo Somaliland oo ka Khajilo Magaceeda

Askarigu Horaantii Marna Jabhad Ayuu ahaa Marna Habeen oo dhan Somaliland Siday u Seexan Lahayd ayuu u Soo Jeeday 10 ubad ah ayuu Dhalay Musharkiisa uu Qaato waa la Ogyahay “Ilaahay Ayuu Leeyahay”

 

Waxaan Uga Socdaa Ninka $50 Qaata Waa La Xidhaa, Ninka Hantidii iyo Dhulkii Caasimada ku Tagrifala “Danta Guud” Waxaanu ugu Yeedhinaa MAAYIRKII MAAYIRADA waa ayaan daro dadkayga haysata

Advertisement

Ku Xayeysiiso