ILAALINTA SIRTA  W/Q Farxaan Maxamed Xasan (Rakad)

ILAALINTA SIRTA  W/Q Farxaan Maxamed Xasan (Rakad)
———————————————

“Sirta shaqada oo aad bixisaa waxay kaa eryaysaa shaqadaada”

Sir: waa wax la rabo in la qariyo arag ahaan iyo maqal ahaanba taas oo la doonayo in aanay ciddi maqlin ama arkinba.

Sirtu waa qayb ka mida waxyaalaha qarsoodiga ah ee ay dadku isku ilaashadan ama isku sheegaan.

Sir waa waxkasta oo la qariyo ama aan la doonnayn inay adiga ku dhaafto.

Qofkastaa wuxuu sirta la wadaagaa cidda uu ku kalsoon yahay si uu uga hello  talo iyo tusaale anfac u yeesha.

Haddaba maalinkasta waxaad la sheekaysataan asxaabtiinna taasi waa sheeko waanna la wadaagaa se sirtu waa wax gaar laguugu sheegay ama koox la idinku sheegay oo la isku ogyahay in la ilaaliyo oo aan la faafin.

Markaa qofkasta waxa la gudboon in loo ilaaliyo sirtiisa gaarka ah iyo sirtiisa guud haddii lagu heshiiyo.

Sirtu waxay ka dhacdaa;

 

Sirta cidda aad la nooshay

Sirta cidda aad asxaabta tihiin

Sirta goobta aad ka shaqaysid

Sirta cidda loo shaqeeyo

Sirta meesha aad ku nooshay

 

Intaas oo meeloodba sirbaa laga helaa ama lagaaga sheegayaaa markaa adiga waxa kula gudboon inaad noqotid qof sirahaas kala duwan ilaalinaya kaliya la wadaagaya ciddii kuu sheegtay ama kula ogayd.

Marka shaqooyinka laga hadlayo sababaha la isku eryo waa ka mida bixinta sirtu, sidoo kale waxyaalaha jara ama baabiiya xidhiidhka saaxiibtinimo waxa ka mida bixinta sirta saaxiibkaa/taa sidoo kale dadka aad u shaqaysid ama macmiisha kuu ah oo aad sirtooda bixisid waxay sababtaa in macmiishu kaa tagto tusaale ahaan tukaan baad haysataa ama sarifle Gabadh ka mida oo ku xidhan meheradaada ayaad jirta ka dibna nin asxaabtaada ka mida ama socoto ah buu ku idhi ii sheeg inantaa Lambarkeeda ay zaadka kuugu dirtay si aan ula haasaawo adna si fudud ayaad ugu sheegtay isna wuu la hadlayba ka dibna marka ay ka qabato ee la is waraysto waxa ku xigaysa xaggee ka keentay telefankayga? Jawaabta waxa ina siin doonna qof ay ku dhacday oo garaacay ama waydiiyay su’aasha? haddii bixinta telefanku dhib keenno adiga ayaa masuuliyadeeda qaadi doonna.

Sirtu waa mid loo dhasho ilaalinteedu se marka ay wax kaa soo maraan ayaad garanaysaa dhibkeeda, haddii aad doonnaysid ilaalinta asxaabtaada, ilaalinta shaqaadaada, ilaalinta macmiishaada, ilaalinta dadkaaga iyo dalkaagaba fadlan ilaali sirtooda iyo wixii u baahan in la qariyo oo aan cid lala wadaagin.

Tusaale: Waddanka hay’ado badanbaa ka shaqeeya subaxwalba waxay gudbiyaan xaalada waddankeennu ku sugan yahay qofkasta oo shaqaale ahna xogbay waydiiyaan shaqo iyo waajibaad looga dhigay taas haddii ay xabad yari dhacdo ay haayadaha U.N iyo cidda la shaqaysaaba ogyihiin.

Waxaan uga socdaa Markaa wixii waddankaaga dhaawac u geysanaya ilaali oo ha gudbin se wixii horumara gudbi oo la wadaag.

Sirta inaad ilaalisaa waa aqoon iyo waayo-aragnimo la is dheeryahay.

Ilaali sirkasta oo aad gacanta ku haysid haddii kale waxaad noqon doontaa qof tilmaaman oo sirtiisa la hayo.

Haddii aad sheeko ama dhacdo haysid ii soo gudbi.

Wali ma kugu dhacday oo sirtaada ama telefankaaga ma bixiyay sarifle ama meheradi ka dibna ma lagula soo hadlay?

Wali sir shaqo oo aad bixisay ma lagugu eryay ama laguugu digay?

Wali sir aad leedahay oo aad qarisay ma la sheegay?

Ma tahay qof aan waligii sir bixin?

Ma tahay qof ilaaliya siraha soo gala ?

Ma tahay qof ilaaliyay sir aad kadis ku heshay oo aan laguu sheegin?

Jawaab koooban.

 

La soco qaybaha dambe

 

Facebook: Rakad Mxd Sultan

Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)

farxaanmxd@gmail.com

Article: 321.

Berbera

Tell:- 063-4400319

Advertisement

Ku Xayeysiiso