Guddoomiyaha Xaysimo oo ka Hadlay Qaabkii Puntland Jidgooyada ugu Gashay

 

Taleex(ToggaHerer)- Ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntand,ayaa weerar jid-gooyo  ah  oo ay ku soo qaadeen  gobolka Xaysimo,  waxa ku geeriyooday sarkaal ka tirsan ciidammada qaranka Somaliland,waxa kaloo  dhaawac culusi soo gaadhay    Maayarka degmada Taleex ee gobolka Xaysimo, Saleebaan Xaaji Axmed Diiriye.

 

Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir) oo u waramay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay in ciidammada Garoowe ee dawladda aan iskeed isku maamuli Karin ee Soomaaliya ay weerareen  wefti uu hoggaaminayey oo  marayey 12kii habeenimo ee  xalay degaanka Dhubuq-dhubuq ee gobolka Xaysimo.

 

Guddoomiyaha Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed  wuxuu intaas ku daray  in  rasaastii maleeshiyada Garoowe  ku fureen  weftigiisa uu  ku dhintay ALLE ha u naxariistee Marxuum-Gaashaanle dhexe Saleebaan Cabdi Jaamac oo ahaa Taliye Guuto oo ka tirsanaa ciidammada qaranka ee degan magaalada Talleex ee gobolka Xaysimo, halka uu dhaawac culusi soo gaadhay maayarkii degmada Taleex Saleebaan Xaaji Diiriye oo koomo ku jira isla markaana loo soo qaaday magaalada Hargeysa si loogu daweeyo.

 

Guddoomiye Cabdirashiid  waxa uu  balanqaaday in  Soomaaliya  jab kala kulmi doonto duullaannada gardarada ah ee ay ka wadaan gudaha xuduudaha caalamiga ah ee Somaliland.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso