Dardaarankaygii Ardayda:   W/Q   Rakad Maxamed Sultan

 

Waxaan si gaara u hambalyaynayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulkeeda oo  aan marna ka seexan shaqadii loo igmaday ilaa maalintii uu imtixaanku bilaabmay ilaa dhammaadkii imtixaanka  sidoo kale waxaan  qalbiga uga soo duceynayay ardaydii qiimaha badnayd ee Imtixaanku u socday,   intii aan idin odhan lahaaba halkan baan idiinku soo gudbinnayaa:—- 

 

Noloshu waa ardaynimo intaad nooshahay ardaybaa tahay marna Iskuulbaad ku jirtaa mar Jaamacad, mar shaqodoon baad ku jirtaa,  Marna shaqo barasho, iyaddoo ay dhex socoto nolosha caadiga ah ee iyanna caqabadaha iyo isbeddeladaba lehi, intaad nooshahay waxkasta oo kugu cusub ardaybaad u tahay haddii xattaa aad guursatid, carruur dhashid, da’ noqotid, isku soo duubboo intaad nooshahay arday unbaad tahay, waxa kuu dheer intaad nooshahay macalin baad tahay oo tilmaan iyo tallo unbaad ku jirtaa ood bixinnaysaa ama aad qaaddanaysaa marka halkaa laga yimmaado maanta wakhtigan dalka waxa ku badan shaqo la’aanta iyo iska fadhiga maxaa sabab u ah ayaad iswaydiinnaysaa?  Ilaa maalintii dalka lagu soo noqday waxa ardaydeenna iyo aqoonyahan keennuba baranayeen aqoonta aan xirfadeedu badnayn  waxaanna ay xoogga saarayeen aqoonta Arts ka  sidoo kale ardayda Science  baranaysay markasta way ka tiro yaraayeen ardayda Artska  baranaysay marka gebo-gebada Jaamacadda la gaadho. Maaha hadda  wakhtigii Secondariga.

 

Tusaale Marka la is barbar dhigo Ardayii baratay Management iyo Nursing, waxa shaqo la’aanta ugu badani haysaa ardaydii Baratay Management, Maxaa sabab u ah, waxa sabab u ah Meelkasta management loogama baahna oo dadka qaarbaa Managementiga Abuur ahaan u dhasha, se meelkasta Nurse waa looga baahan yahay oo cidkastaa Nurse ma noqon karto kumana dhallan karto halkaa markaan marayo waxaan uga socdaa in Aqoonta xirfadda ahi ka jaanis wanaagsan tahay aqoonta kale ee aan xirfada lahayn.

 

Ujeeddada aan uga socdo maqaalkan waxa weeye haddii aad tahay arday dhammeeyay dugsi sare oo doonnaya innuu jaamacad gallo waxaan markasta kuu soo jeedinnayaa inaad baratid aqoonta loo baahan yahay ee aan hore loo baran, Haddii aannay dalka oolinna meeshay taallo u raadso haddii aannad awoodinna wax u dhigma baro, waxa dhib innagu ah innagoo jaamacaddaheennu sanadkii soo saaraan 10,000 oo arday oo bartay culuumta Managementiga iyo Accountigka oo aad ogtahay in 9,000 oo ka midi ay bilaa camal yihiin inaad adiguna baratid aqoontaas aan shaqada degdega ah lagu hellayn saw dhibwayn maaha.

 

Sababaha wax loo barto waxa ka mida in lagu shaqo tago iyo in baahiyaha bulshadda dhexyaalla wax loogaga qabto, haddaba ogow in aqoonta u badan ee dalka taalla aan loo wadda baahnayn waanna sababta 75.6% ay bilaa shaqo u yihiin, Haddii aad doonneysid inaad shaqo heshid iyo inaad baahida bulshadaada wax kaga qabatid baro aqoonta bulshadu u baahan tahay haddii aqoontaadu baahida bulshadda wax ka qaban waydo shaqo la’aanbaad jaar la tahay.

 

Xalku muxuu noqonnayaa :————————

 

Inaad baratid aqoon dalka looga baahan yahay iyo culuumta aan xirfaddeedu qabyaalad gali karin sida kolba jaanisku u bannaan yahay iyo shaqooyinka dalku u baahan yahay.

 

Ardayda dugsiyada sare dhammeeyaay waxaan u soo jeedinayaa:——————–

 

In marka Hore ay waxbarashadda sii wattaan ilaa halka ugu sarraysa

Inay bartaan culuumta loo baahan yahay

Inay xirfado shaqo oo gaara bartaan intay jaamacadda ku jiraan

Innay shaqaystaan oo shaqo tagaan oo aannay sugin intay jaamacadda dhammeynayaan.

Innay computer  si fiican u sii bartaan gaar ahaan shaqooyinka xafiisyadda iyo qaababka computerka loogu shaqeeyo

Innay Coursooyin gaagaaban bartaan oo ah Xafiisyadda, Maamulka iyo Accounting oo ay Base ka dhigtaan.

Innaad ka shaqaysaan ganacsiga waaalidkiin oo aad horumarisaan oo aynaan iska waynaysiin.

Innaad aqoontiina gudbisaan oo dadka la wadaagtaan oo aydaan  waxba hagran.

Innaad curin yeelataan oo waxsoosaar yeelataan

Innay shaqo abuur sammayn karaan oo fikir ganacsi ku hamiyi karaan.

Inay macalinmiintooda xusuustaan oo soo dhaweeyaan goobaha ay kula kulmaan.

Mahadnaqa Allena markasta Wehel ka dhigo.

 

Sidoo kale haddii aad tahay arday jaamacad gallaya oo sanadkan ka baxay dusgi sare fadlan culuumta aad baranaysid ha noqoto mid aad aqoonteedda leedahay oo aad jeceshay qorshena ka lahayd tusaale haddii adiga oo Arts ahaa dugsigii sare aad jaamacadda gashid qaybta ingineering waxa kugu adkaanaya inaad si fudud u fahantid taas oo ay sabab u tahay takhasuskaagii dugsiga sare markaa markasta oo aad waxbaranaysid waxaad jeceshay inaad noqotid aqoonteedda un barro waanna innaad leedahay laba  qorshe oo jaamacadda ah haddii aad qaybtaas waydid oo aannay dalka laga hellayn dibadanna awood u lahayd waa innaysii doorataa culuumta labaad ee aad jeceshay inaad ku takhasustid.

 

 

Waad mahadsan tihiin.

 

Adigu maxaad kula tallinaysaa ardayda Adna? Qor oo u gudbi.

 

 

Email:  Farxaanmxd@gmail.com

Berbera

Facebook: Rakad Mxd Sultan

Article: 320.

Berbera

Tell: – 063-4400319

Adeege  arday/bulsho

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso