Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa oo Maanta Damiyay Dab Ka Kacay Suuqa Weyn Ee Mother Land Business Centre.+ Ciidanka oo Dabkaa ka Xakameeyay 11 Meheradood oo Suuqaas ku yaalay.

 

Hargeysa – 06.07.2018- Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa maanta  abaaro 11:38 AM u baxay hawlgal dab weyn kaasi oo ahaa Suuqa weyn ee Gancsi ee Mother Land Business Centre [ MBC] kaasi oo ka soo horjeeda Hotel Guuleed Ee Magaalada Hargeysa.

 

Hawlgalkan ayaa ciidanku u baxay isla markii laga soo sheegay lambarka gurmadka deg dega ah ee ciidanka Dab-demiska 990, waxaana isla markiiba ciidanku ku gaadhay daqiiqado kooban Goobtaas, iyadoo ciidanku isla markiiba guda galay hawlgalkaas.

 

Dabkan ayaa waxaa sababay shoodh laydh kaasi oo aad u weynaa isla markaana samaynayay qaraxyo, waxaana ciidanku u adeegsaday daminta dabkaas Budada Cabudhsan ee Loo yaqaano [ Dry Powder ] iyadoo markiiba ciidanku shoodh kaas laydh xakameeyay kuna joojiyay meheradii koowaad ee uu ka bilaabmay.

 

Dhanka kale ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Dabkaas ka xakameeyay inuu ku fido suuqaas oo kooban 12 Meheradood oo isku xig xiga khatarna ay ahayd in dhamaantood uu si fudud u gaadho dabkaasi, waxaana ciidanku dabkaa ku hakiyay ama ku joojiyay Meheradii koowaad ee shoodh kaasi ka bilaabmay.

 

Dadweynaha iyo mulkiilayashaa ganacsigaas weyn lahaa ayaa dhankooda u mahadnaqay ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa gurmadkaa ay sameeyeen iyo badbaadaa ay badbaadiyeen hantidooda iyo maalkooda, waxaanay ciidanka ku dhiirigeliyeen inay dadaalka aya dadkooda ugu shaqaynayaan halkaa ka sii wadaan.

 

Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu wacyigelin guud u dirayaa dhamaan dadweynaha ku dhaqan caasimada iyo guud ahaanba Somaliland taasoo ciidanku ka wacyigelinayo khatarta uu leeyahay laydhku, sidoo kale ciidanku wuxuu farayaa dhamaan shirkadaha  laydhka inay hubin iyo jeegarayn ku sameeyaan laydhka ay galiyaan dhismayaasha si markasta looga taxadaro khatarta ka imanaysa laydhka taasoo galaafata naf iyo maalba.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso