Madaxweyne Ma Ogtahay In Siddeed Mashruuc Oo Xukuumaddaadu Intii Ay Jirtay Bixisay Ay Markhaati Ka Yihiin Cabashada Iyo Baaqa Kasoo Baxay Shirkii Tol-Wanaaje2, Una Baahan Tahay Inaad Dhugato

Hargeysa, July 5, 2018-Baadhitaan Wargeyska Foore sameeyay oo ku saabsan Tirada mashaariicda la qaatay iyo qaabka ay Xukuumadda hadda jirtaa u qaybiso Todobadii bilood ee ay jirtay ayaa waxa aanu ku ogaanay in Sideed mashruuc oo aan si hufan loogu tartamin ay Xukuumadda Muuse Biixi bixisay,islamarkaana ay isku koobeen oo qudha waxa loogu yeedho Beelaha Jeegaanta ah sida ay dhigayeen Warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii dhawaan ku soo gabo gaboobay Buurta Gacan Libaax,kaasi oo aad loogaga hadlay islamarkaana digniin lagaga bixiyay in loo sinaado adeegga Dawladda,Qandaraasyada Qaranka,Maalgashiyada dibadda iyo kaalmooyinka Caalamiga ah.

Mashaariicdan ayaa waxa dhamaan bixisay Madaxtooyadda Somaliland waxaana duhur cad lagu kala goostay goob fagaare ah iyada oo aan cidna ka qaarsoonayn, waxaanay arintaasi muujinaysaa Habka bilawga ah ee qaloocan ee ay ku talaabsatay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,taasi oo gabi ahaanba meesha ka saaraysa kalsoonidii cadaaladeed ee ay bulshada Somaliland ku qabtay Hadba Cidda Hogaanka Dalka Haysa,waxa kale oo ay daaha ka rogaysaa sida ay beelaha Farta lagu godayo ee lagu eedaynayo inay isku bahaysteen boobka Hantidu uga dhex muuqdaan mashaariicdan hordhaca ah ee sideeda ah ee ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi qaybisay taasi oo aan sida la cadeeyay loo marin habkii iyo nidaamkii sharciga ahaa ee loogu talo galay in lagu xaleeleeyo ama lagu meel mariyo Mashaariicda Dawladdu bixinayso oo sida saxda ah u baahan in hab tartan leh loo maro, lana mariyo Gudida Qandaraasyada Qaranka si ay ugu bandhigaan Muwaadiniinta Somalilandn si siman.

Mashaariicdan lagu kala hagaagay ee buuqa iyo kalsooni darada Xukuumadda laga qabo keenay ayaa waxa ay kala ahaayeen
1- Mashruucii Timirta Ramadaanta ee Ciidamada,

2 – Mashruucii Dirayska Ciidanka ee Xuskii 18-May,

3- Mashruucii Gaadiidkii V8-da ahaa ee Dawladdu Soo Iibsatay

4 – Mahruucii Agabkii,Boodhadhkii iyo Qurxintii Fagaarayaasha ee Xuskii 18-May oo lacag badan lagu qaatay,

5 – Mashruucii Dayactirka Dhismaha Gudaha Madaxtooyadda oo cid gaar ah lagu naasnuujiyay

6- Mashruuca Diwaan Galinta Shaqaalaha Rayidka ah oo xafiisyo looga dhex furay Wasaaradda Shaqadda iyo Arimaha Qoyska oo dhawaan xadhiga laga jarayo,Kaasi oo cid gaar ah lagu naasnuujiyay

7- Mashruuca Diwaangalinta Shaqaalaha Ajaanibka ah ee Hay’addaha dalka ka shaqeeya oo cid gaar ah lagu naasnuujiyay,Xafiisna looga dhex furay Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Qoyska,kaasi oo dhawaan xadhiga laga jarayo. 

8 – Mashruuca Buuggaagta lafta ah ee Gaadiidka oo isagu shaqeeya,Cid gaar ahna lagu naasnuujiyay. Dhamaan Mashaariicdani sida Wargeyska Foore helay waxa la wada siiyay dad ka soo jeeda deegaamada Bariga Burco iyo Woqooyiga iyo Galbeedka Magaalada Hargeysa oo dadka degani ay samaysteen jeegaan siyaasadeed kuwaasi oo dhaliilo loo jeedinayo ku saabsan inay xoolaha Dawlad u heshiiyeen.

Hadaba Madaxweyne Ma Ogtahay In Sideedan Mashruuc Oo Xukuumaddaadu Intii Ay Jirtay Bixisay Ay Markhaati ka Yihiin Cabashada Iyo Baaqa Kasoo Baxay Shirkii Tol-Wanaaje2,Una Baahan Tahay Inaad Dhugato. Waxa uu Qodobkaasi oo ahaa qodobkii Afaraad ee shirkaasi u dhignaa sidan: “4– Beel weynta Garxajis waxaa u cadaatay in Khayraadkii dalka,Maalgashigii dibada,kaalmooyinkii Caalamiga ah iyo dhamaan Qandaraasyadii Qaranka aan loo sinayn si gaar ahna loogu xidhay dad gaar ah,taasi oo aan waafaqsanayn Dastuurka Dalka,abuurtayna kala sarayn Dhaqaale iyo in hantidii dalka gacanta loo galiyay dad gaar ah”.
Source:Foore

Advertisement

Ku Xayeysiiso