276 Tahriibe oo lagu badbaadiyey Xeebaha Liibiya

Afhayeenka Rasmiga ah ee ciidanka badda Xukuumadda Liibiya Col Ayub Qasin ayaa sheegay in ciidanka Ilaalada xeebuhu ay ka badbaadiyeen 276 Tahriibe sharci darro ah xeebaha Liibiya.

Qasim ayaa shir jaraa’id ku sheegay in ciidan ilaalo ka waday xeebta ay badbaadiyeen 276 ayna ka mid yihiin 54 Caruur ah iyo 29 Dumara kuwaas oo saarnaa saddex laash mid ka mid ahina ay ku sugnayd xaalad qarqoon ah.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in tahriibayaashani ay ka kooban yihiin 14 jinsiyadood oo kala duwan oo afrikaan ah.

Geesta kale waxa uu Col Qasim carabka ku adkeeyey un ay u sameeyeen Muhaajiriintan gargaar bini aadanimo ka dibna ay ku wareejiyeen Maamulka la dagaalanka Tahriibka sharci darrada ah ee Tiribuli.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso