“Wixii Khaldamay Ciidda Khaladay Iyo Foolxumadii Dhacday Hadad Markii Hore Ku Faraxsanayd Wixii Ka Dhasha Ha La Yaabin Oo Yaanay Kula Fool Xumaan” Muniir Axmed Cigaal

“Wixii Khaldamay Ciidda Khaladay Iyo Foolxumadii Dhacday Hadad Markii Hore Ku Faraxsanayd Wixii Ka Dhasha Ha La Yaabin Oo Yaanay Kula Fool Xumaan” Muniir Axmed Cigaal

Dalka Somaliland doorasho ugumay horrayn midii dhacday sannadkii ina dhaafay ee 2017-ka. Ummaddu xisbiyo ayay ahayd yaa qaybiyay is waydii, ?hoggaankii Suldada Dalka gacanta ciddii ku haysay yaan u tudhin. In lays raaco iyo in laysu codeeyo ceeb maahee ana hadda kuleh waxaase ceeb ah in si cadho iyo ciil qab ah haddiiba aad wax tirsanayso aad u aar gudato adigoo waliba midida daabkeeda haya, intay dib inoo celinayeen may hore u socdaan kaba wanaagsane.

UDUB Garxajis ma lahayn Xisbi bah wadaag ah ayuu aha, waana dhab tageerada ugu badan wuxu ka heli jiray Habaryoonis, Ciise Muuse, Samaroon iyo Somaliland kale, Habaryoonis waa dhab doorashadii 2003-kii UDUB ayay u codeeyeen intooda badan, cod bixiyayaal ayay ahayeen ee may ahayn cidda hoggaanka haysa, Madaxweyne Cigaal haddii Alle dayn lahaana oo uu sharaxnan laha halku Daahir Rayale ka sharaxnaa sidaa uunbay ugu codayn la hayeen qolo ahaana Habar-awal ayuu aha, Ciise Muuse-na waa u codayn Ia hayeen Somaliland kalena waa u codayn la hayeen, Xisbi ayuu u abaabul laa ee umu abaabul nayn goof rero leeyihiin oo Iska dhaxlayaan, taasi haday jirto Nin Garxajis ah ayaa dhaxli laha oo Daahir Rayaale Kahin iskama sharaxeen, haddii reero is dhaxlayaan maxaynu Xisbiyo iyo doorashaba ku falaynay?.

Yaa KULMIYE ka dhigay in laba rer dhaxalkiisa madaxtinimo kaligood leeyihiin, yaa lacag ku bixinayay in qof kasta oo Habarjeclo ah oo Xisbiga WADDANI ku jira in lacag lagaga soo saaro mid wax tari kara iyo mid aan tari karinba. Haddii Siilaanyo cod buuranba yaanu ka heline markii uu tartamaayay ay la socdeen, Dr Cabdi Aw Daahir, Cabdiraxmaan Cabdi Qaadir, Xildhibaan Waabeeyo, Dr Carabayto, Khadar Ambassdor, Cabdilaahi Carab, Xildhibaan Guruuje, Dr. Xuseen Xoog, Dr. Ismaciilka lafaha, Ganacsade Maxamed Shukri, Bashiir Cabdi Xariir, Fanaan Maxamed Axmed Kuluc, Mawliid Waris, Cabdiraxmaan Dhadhan, iyo boqolaal kale oo hal door ah maxay ahayd ciil qabka keenay in Inana yar oo madow lagu aamini waayo amma loo dayn waayo oo laga saarayay in diiday oo xadhig iyo dhib u martay sidayda mooyaane?, miyaanu Xisbi Qaran ahayn yaa waday ee Axmed Siilaanyo na u tudhi waayay Qaranka u tudhi waayay Xisbinimadana u tudhi waayay ?

Maxaad ugu farax sanayd Suldaanka karamaysan codkaba ha laysasiiye inay Burco gacmaha ka taagan oo sidii Xisbi loo aha aad ugu sawirtay reero wax isasiinaayay, ? Cunfigii Soomaali wayn hadad walalka kaga doonaysay inaad kag adkaato miyaad fogaynaysay mise faa’iido inay dhalayso ayaad ka dayaysay? Miyaanad filayn in waxa ka soo baxay Gacan-libaax oo waliba adigu cabasho u arago dareen dhaba ahi ay dhalayso? Haddii laba rer Abaal iyo Hagbado isku cel celiyaan inta kale ee Somaliland kula sheeganaysa miyay iska kaa daawanaysa?. Kun kaas su-alood iyo qaar kale is waydii walal .

Waxan qaba waxa Siilaanyo aan u tudhin, oo Habarjeclo aan u tudhin oo Qaranka aan u tidhin ragg aanu ilmadeernahay oo ay Kow ka yihiin Wasiirkii Madaxtooyada ee odayga gacan yaraha u aha Maxamuud Xaashi iyo Cali Mareexaan iyo intii kula socotay khaladkaa. Hadad ku dudayso Siilaanyo ayaa bari cod aan buurnay beel heblaayo siin wayday oo ana kursiga ayaan ka fogaynayaa maxaad u xasuusan wayday in Alle ku siiyay wixii aad doonaysaba oo aha in adeerka Madaxweyne noqdo, Adigu Wasiir noqoto Dalkana aad xunto 7-sanno, ma saxba in 13-sanno ka horna xasuusnato maanta waxaad haysato ee aanu walalka waliba kugu dhibin ee Suldada leh aad xasuus naan waydo. Haddii Siciid Sulub amma Ismaciil Buuba rer kooda soo dhex fadhiisan laha oo shir loo dhanyahay kaga tiraabi la hayeen “Dahabshiil Lacagtiina Ha dhiganina”. Sidii Maxamed Xaashi Cilmi oo ummadda haldoorkooda kamid ah Ma ilaawi lahayd ?

Waxan ka hadlaayaa maha xumaan lakiin waa yaa xumaanta ina galiyay. Maha in xaafadaadu kula saxsanaato sax iyo khalad wixii ay samayso Dadka kalena aad la yaabtid. Ragga waxaas sameeyay iyagaa Dadka niyada ka dilay iyo rajada Ummadduna Amal la aan ma noolaan karto. Runta hadaan idin sheego Abtiyaashay Garxajis Xisbi iyo cadaald iyo doorasho ay wax ku helaan way ka dhimatay, waana laga dilay ee iskamay iman.

Madaxweyne Muuse Biixina midbaa seegtay, isagoo ogaa waxaas oo dhan isagoo aan ololihii isu tudhin oo wax kasta yidhi ay ugu xumayd “Somaliland Xisbi Xamar la haysta ku aamini mayno”. Hadana qaybtiisi ugu horaysay Somaliland waxba umuu qaybin. Aan Madaxweyne ahaado, Wasiirka arrimaha debadda aan qaato, Maxkamada aan haysto, Madaxda Ciidamadda aniga rerkayga weeye, 5-ta Wasaaraddood ee Dalka ka dhaqaaqaya anaa Gaasime Guud ka ah, Ciidamadda ana Raashinka iyo Qandaraas oo dhan siinaya oo haysta, caasimadda inta qoyan ana haysta ilaa Wakaaladeeda biyaha, waliba dhaxal kayga waxa isu gaaya Jeegaan adeer yaa yeeli laha. ?

Gun iyo gunaanad xumaantii aynu samaynay ayaa Dalka dhaxal kiisu u eekaadaye intaanad wax la yaabin wixii soo dhacay la yaab!!

Tusan

Muniir Axmed Cigaal 

Tusan

Advertisement

Ku Xayeysiiso