Waa Kuma Nabi Muxamed SCW?


Nabi Muxamed (SCW) wuxuu ahaa Rasuulkii Ilaahay ee loo soo diray Dadka oo dhan Iyo Nabigii u danbeeyey Nabiyada waana imaamka Rasuulada.

Waxaa uu inoo keeneay diinta islaamka ah ee suuban, diin aan iyada ahayna lama aqbalo maalinta qiyaame.
Nabi Muxamed waxaa uu ka soo jeedaa Reer Quraysh oo ah qabiilkii Ugu sharafta Badnaa Reer Makah.
Nasabkiisu Wuxuu la xidhiidhaa Ismaciil Bin Ibraahim Naxariisyo Nabad galyo Korkiisa Ha ahaatee.

Aabihii waxaa uu ahaa Cabdilaahi bin Cabdi Mutadalib Bin Haashim Bin Cabdi Manaaf Bin Qusaya Ibn Kilaab.
Hooyadiina waa Aamina Bint Wahab Bin Cabdi Manaaf Bin Zuhra Bin Kilaab, waxayna ku kulmaan Hooyadii iyo Aabihii Awowga shanaad oo ah Kilaab.
Aabihii wuxuu dhintay isagoo Caloosha hooyadii ku jira wuxuuna ku dhintay Madiina wax aduunyo ah uga muu tagin.
Nabi Muxamed waxaa uu ku dhashay Makkah Maalin Isniin ah 12 kii Rabicul Awal Sanadkii la odhan jiray Sanadkii Maroodiga (caamu Fiil).
Sanadkan uu dhashay waxaa loogu bixiyey Sanadkii maroodiga Boqorkii Xabashida ayaa waxaa uu u soo diray Makkah Ciidan Si ay u soo burburiyaan Kacbada Waxaana ku jiray Maroodi wayn, Ilaahay na wuu halaagay Ciidankii Isagoo karaamaynaya Dhalasha Nabiga SCW.
Waxaa nuujisay Hooyadii dabadeed Sawbah al aslamiyah oo ahay shaqaalihii Adeerkii Abi Dalib haddana waxaa nuujisay Xaliima Sacdiyah ilaa uu gaadhayey 4 Sanadood.
Waxay dhimatay hooyadii markuu ahaa 6 jir iyadoo ka soo noqotay Madinah, Sababtay u tagtayna waxay ahayd si ay usoo booqato xabaashi Aabihii waxaana la socda Awowgii Cabdi Muthalib Deedna waxaa lagu aasay Meel u dhaxaysa Makkah iyo Madinah oo la yidhaahdo Abwaa i .
Ka dib markay dhimatay hooyadii waxaa u kacay korin tiisii Awowgii Cabdi Mudalib waxaanuu ahaa mid jecel in ka badan inta uu jecel yahay caruurtiisa.
Markuu gaadhay Nabigu 8 jir waxaa dhintay Awowgii Ka dib markuu Kafaalo qaaday muddo ah 2 sanadood.
Kadib geeridii awawgii waxa kafaalo qaaday adeerkii Abu Daalib waxaanuu ahaa faqiir ka dib Ilaahay baa u balaadhiyey arsaaqadii.
Rasuulku yaraantiisii wuxuu ahaa mid u raaca adhiga reer Makkhah si uu uga helo mushqaayad uu ku noolaado.
Markuu gaadhay 9 jir wuu ula safray Shaam adeer kii safarkaas oo ahaa mid ganacsi, markay ku soo dhawaadeen meesha la yidhaahdo Busraa waa arkay nin suufi ah oo la odhan Bixiiraa deedna waxa uu uga waramay adeerkii inuu noqon doono inankan yari Nabi isla markaana uu u baqayo oo dib u celiyo si aan loo dilin, waxaa uuna ku gartay Nabinimadiisa Calaamado ku qornaa Kutubtii hore ee Ahlu kitaabka.
Markuu gaadhay 25 jir wuxuu mar labaad u safray Shaam isagoo wada ganacsigii Sayidatul Khadiija.
Khadiiji waxay ahayd gabadh isku darsatay sharaf iyo maal waxay u shaqalaysiin jirtay raga ganacsigeeda.
Waxayna Nabi Muxumed u dooratay iyadoo maqashay in uu yahay nin amaano iyo akhlaaq leh.
Waxaana safarkan Nabiga ku wehelineyey shaqaalaheedii Masiira waxna way iibiyeen waxna way soo iibiyeen waxayna la soo noqdeen faaiido badan.
Waa markaas markay doontay sayidatul Khadiija in uu guursado dadiisuna waxa ay ahayd wakhtigaa 25 halka ay iyadana ka ahayd 40 jir.
Waxaa ay wado noolaayeen mudo 25 sanadood ah lamana guursan gabadh kale ilaa ay ka dhimanaysay.
Dadiisu markii ay gaadhay 35 jir reer Quraysh waxaa ay dumiyeen Kacbadii si ay u cusboonaysiiyaan.
Waxaa ay isku khilaafeen cidii dhigi lahayd dhagaxa koowaad, deed waxa ay ku heshiiyeen in qofka ugu horeeya ee soo gala masjidka uu ina kala saaro.
Qof kii ugu horeeyey ee soo galay wuxuu noqday Nabi Muxamed SCW wayna ku farxeen waxa ayna yidhaahdeen Amiin baanu raali ku nahay wuxuu gooyo.
Deedna waxaa uu dhigay dhagaxii go’iisa dushiisa waxa aanu faray qola kasta madaxoodii in uu dhiniciisa qabto deedna wuxuu yidhi kor u qaada markay gaadhsiiyeen halkii la dhigayey Nabigu isagaa gacantiisa ku dhigay. Halkaas baanu ku baabay khilaafkii dhexdoodu waxa aanay la yaabeen fikrada iyo xikmada Nabiga SCW.
Haddaba marka ay dadiisu ku soo dhawaatay 40 jir wuxuu bilaabay in uu dadka ka fogaado una banbaxo Cibaadada wuxuuna ku cibaadaysan jiray godka la yidhaahdo Qaaru-Xiraa oo ku yaal buur ku taal wadada loo maro Makkah.

Intaas waxaa aynu ku soo koobnay nolashii Nabiga SCW ee waxyiga ka hor insha Allah qaybaha danbe waxa aynu ku soo qaadan doonaa markuu waxyigu ku bilaamay iyo wixii ka danbeeyey.

W/Q: Cabdisalaan Cali Yuusuf (Cadde)
Email: Salansom@gmail.com
Hargeisa, Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso