Madaxweynaha Somaliland oo Waraaq Ashakato ah u Diray Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay

 

Somaliland oo qoddobeysay sida Ergayga QM ula Saftay Soomaaliya.Madaxweyne Biixi oo nidar ku maray in  Somaliland Colaad is difaaci doonto haddii la soo weeraro.

 

Hargeysa(Toggaherer)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa qoraal uu u diray Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Mr.Antionio Gutters, wuxuu si adag ugu dhaliilay  wakiilka xoghayaha guud ee qarammada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu ku eedeeyey inuu dagaalka degaanka Tuka-raq uu la safan yahay dhinaca Soomaaliya.

 

Sida lagu sheegay qoraalka madaxweynaha Somaliland oo jawaab u ahaa warqad uu 10kii June  ergayga qarrammada midoobay  u soo qoray madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu madaxweynuhu naqdiyey  isla markaana xushmad darro ku sifeeyey qoraalka   Micheal Keating   10kii bishan June uu u soo qoray Somaliland.

 

Madaxweynuhu wuxuu dhambaalka uu u qoray Xoghayaha Guud Qarammada midoobay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA,  uu ku sheegay inuu hore Micheal Keating uga aqbalay saddex qoddob oo ku wajahnaa in colaada la joojiyo iyo la ogolaado gargaarka bini’aadanimo, waxaanu  sheegay inay arrintaas ka wada hadleen ergayga Qarammada midoobay mar uu Somaliland soo booqday 14kii Bishii May.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ku eedeeyey Mr. Keating inuu isdiid siinayo nabadda, xasiloonida, dib dhiska dhaqaalaha, qaab dhismeedka dawladnimada  iyo horu-socodka ka jira Somaliland.

Qoraalka Madaxweynaha Somaliland wuxuu ku   iftiimiyey in Somaliland ay xidhiidh wanaagsan la leedahay Hay’addaha qarammada midoobay ee caawimada siiya shacabka Somaliland, waxaanu xusay inuu filayo in xidhiidhkaasi sii socdo, waxaanu tilmaamay inuu rajaynayo in wakiilka Xoghayaha Qarammada midoobay iyo kuwa mustaqbalka yimaadaaba aanay ka shaqeynin wax wiiqiya nabadda iyo xasiloonida  ay dedaalka adag Somaliland ku  gaadhay.

Madaxweynaha Somaliland mar uu ka hadlayey dagaalka Tuka-raq,  waxa uu xaqiijiyey  in Somaliland  xadka ay la wadaagto Soomaaliya  u jirto 70km.

 
Madaxweyne Biixi wuxuu  ku garnaqsaday in Soohdimaha Somaliland ay waafaqsan yihiin xuduudaha  caalamiga ah ee la dhigay xiligii gumaystaha sannadkii 1894kii, isla markaana uu dib u jideeyey sannadkii 1964kii ururkii  midnimada Afrika (OAU) oo imika  ah  midowga Afrika (AU).

Md. Muuse Biixi wuxuu xoghayaha guud ee qarammada midoobay ku wargeliyey in Soomaaliya ay dandaansi iyo gardaro  ka samaysay gudaha Somaliland.

 

Ugu dambayn,  madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu waraaqda uu u diray Mr.Antionio Gutters,18kii bishan uu ku balanqaaday  in aanay Somaliland bilaabaynin colaada degaanka Tuka-raq, hase ahaatee ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan haddii lagu soo weeraro gudaha dhulka Somaliland.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso