Suldaan Maxamed Ayaa Daboolka Ka Qaaday In Uu Taageeray Shirka Ka Dhacaya Gacan Libaax

(Toggaherer)-Suldaan Maxamed Ayaa Daboolka Ka Qaaday In Uu Taageeray Shirka Ka Dhacaya Gacan Libaax..

Suldaan Maxamed suldaan Cabdiqaadir ayaa shaaciyey in uu dib udhigay shir ku saabsanaa dhaqanka oo lagu waday in uu ka dhaco degmada balimataan ,waxaanu suldaanku xusay in uu si buuxda u taageersan yahay shirdhaqmeed ka qabsoomi doona degmadagacan libaax .

Gudoomiyaha qabanqaabada shirka gacan libaax caaqil rashiid jaambiir ,caaqilka oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:

(Maanta waxaa halkan kulan kooban aanu iskugu nimid anigoo ah gudoomiyaha guddida qabanqaabada shirweynaha beel weynta garxajis iyo suldaanka guud ee beelaha somaliland suldaan maxamed cabdiqaadir sida aad wado ogtihiin waxaa warbaahinta ka baxay ama inta badan aad maqlayseen shirar kala duwan oo la qaban doono guddida qabanqaabada kulamo iyo shirar u socday maalmahanba oo ay iskugu imanayeen oo ay wadaagaayeen suldaanka guud waxaa la isku soo ururiyey in shirarkaas oo ay suldaanka guud iyo guddida beesha garxajis la isla go-aansaday in shirkii beesha garxajis waqtigiisii oo ah 23ka bishan oo maalinta sabtida ah oo mudada dheer soo socday uu sidiisii uu u qabsoomo dhammaan na laga soo wado qaybgalo meel kastoo la joogo ergooyinkii gobolada gudo iyo dibadba iyo in shikii labad ee suldaanka guud uu dhawaan ku dhawaaqay ee degmada balimataan isagana marka shirkaasi guud laga yimaado si mug leh oo miisaan leh looga soo qaybgalo shirkaasi u gaarkaah beesha daauud ismaaciil oo la qaban doono arrntaasi ayey guddida iyo suldaankuba isla qaateen oo aanu dadkana kuwargalinaynaa aad iyo aad  ayaanu idiinku adkaynaynaa in shirkaasi si mug leh oo miisaan leh meelkastoo aad joogtaan waqtiga loo ilaaliyo oo looga soo qaybgalo.

Dhankiisa suldaanka Guud ee Somaliland suldaan maxamed cabduqaadir oo goobtaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi:

(Dadku way iska xamaasad badan yihiin laakiin in uu qabsoomo shirkaasi oo taariikh horeeyey oo muddada la soo waday maadaama aanu gudoomiyihii guddida qabanqaabada aanu isgarab fadhino taasi waan ku raacsanahay tan balimataan shirkaasi marka laga yimaado in lagu dareero kii balimataanna oo uu ku xigo sidaasi ayaanu taladii ku dhamaysanay dadweynahana waar hadalada raqiiska ah dacaayada ah waar iska daaya beeshu ninkii wax u qabanaysa waa aragtaa laakiin nin aan waxba u qabanaynin oo meelahan digdig leh looma baahna

Advertisement

Ku Xayeysiiso