Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay Qoraal ay soo saartay Maamulka Taagta Daran ee Somalia Kuna Saabsan Macaamilka Gaar ah ee Bulshada Caalamka iyo Jamhuuriyadda Somaliland

Siyaasiga Cabdiraaxman Cabdishakuur ayaa ka hadlay Qoraal ay Maamulka Taagta daran ee Muqdisho u direen Beesha Caaalamka Kuna Saabsan Macaamilka Gaar ah ee Bulshada Caalamka iyo Jamhuuriyadda Somaliland kuwada jiraan.

Qoraalka Siyaasi Cabdiraxmaan Ayaa u dhignaa Sidatan:-

Qoraalkan ka soo baxay dawlada Federaalka ah wuxuu dalbanayaa in la joojiyo heshiis ay 2013kii wada galeen Dawladii Soomaaliyeed ee xiligaa jirtay iyo Beesha Caalamka. Heshiiska ayaa dhigayey in Somaliland macaamil gaar ah la siiyo mashaariicda deeqaha horumarineed (The Somaliland Special Arrangement).

Waxaa masuuliyad dari wayn ah iyadoo sidii loo doortay Madaxweyne Farmaajo aysan dhicin wada hadal dhexmara Soomaliya iyo Somaliland, iyadoo colaadii Tukaraq weli taagan tahay in qoraal caynkaan ah xiligan la soo saaro. Qoraalkani wuxuu maja xaabinayaa rajadii wadahadal ee labada dhinac, wuxuu dhaawacaya is aaminada iyo
kalsoonida la isku qabi karo.

Maamulka haatan jira wuxuu caado ka dhigtay in awooda iyo magaca dawlada ay u adeegsadaan cagajuglayn, cadaadis iyo caburin, halkii loo isticmaali lahaa isku soo dhowayn, kalsooni dhisid iyo dib u heshiisiin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso