Milicsiga Sooyaalkii Iyo Suugaantii Abwaan Cabdilaahi Cabdi Ismaacil (Cabdilaahi Cabdi Shube)

Milicsiga Sooyaalkii Iyo Suugaantii Abwaan Cabdilaahi Cabdi Ismaacil (Cabdilaahi Cabdi Shube)

 

Qormadan, Waxaan Si Kooban Uga Sheekayn Doonaa Sooyaalkii Iyo Sugaantii Aabaha Maadda Iyo Murtida Abwaan Cabdilaahi Cabdi Shube , Iyada Oo Faahfaahsan Waxa Aad Uga Bogan Doonaan Buugga Dhawaan Soo Bixi Doona Oo Aanu Ku Falanqeyn Doona Murtidii Iyo Maadda

 

Akhristoow , Waxaad Waa Inaad Is Weydiiso Horta “ Waa Kuma Aabaha Madda Iyo Murtida Abwaan Cabdilaahi Cabdi Ismaacil , Oo Ku Magac Dheer Cabdilaahi Cabdi Shube, 

Taariikhd Nololeedkii AUN Cabdilaahi Cabdi Ismaacil Oo Ku Magac Dheer Cabdilaahi Cabdi Shube, Wuxuu Ku Dhashay Degamada Awaare, Sanadku Markuu Ahaa 1926, Goor Maalin Ah, Hooyadii Waxay Ahayd Khadiija Cajab Maxamed, Abwaanka Waxay Wada Dhasheen Cali Cabdi Ismaacil Iyo Shaqlan Cabdi Ismaacil Oo Ay Isku Aabbo Iyo Hooyo Yihiin, Dhinaca Kale Abwaanka Waxay Isku Hooyo Yihiin Cisman Cilmi Ismaacil, Isagoo Nin Weyn Ah Ayuu Awaare Ka Yimid, Waxaanu U Soo Wareegay Magaalada Hargeysa, Beryihii Danb Ee Hargeysa U Soo Wareegay Wuxuu Ka Shaqayn Jiray Hotel Fooqa Bis Ku Yaalay Oo Ay Lahaayeen Hindi Degeyn Oo Uu Ka Ahaa Cunto-Kariye ,Markii Danbena Wuxu Sameystay Meherado Ganacsi Isagu Leeyahay.

 

Abwaan Cabdilaahi Cabdi Ismaacil Sanadku Markuu Ahaa 1952-Kii Ayuu Ku Guursaday Magalada Hargeysa Xaaskiisii Ugu Horeeysay Waxay Ahayd Qammar Bile Cali Oo U Dhashay Shan Ubad Ah, Waxayna Kala Yihiin Axmed Cabdilaahi Cabdi, Aadan Cabdilaahi Cabdi, Aabi Cabdilaahi Cabdi, Maxamed-Khadar Cabdilaahi Cabdi Iyo Xayaat Cabdilaahi Cabdi, Waxa Imika Ka Nool Ilma Cabdilaahi Cabdi Shube Labada Kala Ah Aabi Cabdilaahi Cabdi Iyo Aadan Cabdilaahi Cabdi, Dhammaantood Waa Isku Aabbo Iyo Hooyo Ayay Yihiin

 

Abwaana Wuxuu Ka Mid Ahaa Askartii Ciidmada Talyaaniga Ee Laga Soo Qoray Degmada Awaare, Sanadku Amrkuu Ahaa 1949-Kii , Dib Waa Iska Yimid Itoobiya , Waxaanu U Soo Wareegay Magalada Hargeysa, Beryihii Danbe Waxa Wuxuu Ka Mid Noqoday Kooxdii Walaalaha Hargeysa, Loogu Yeedho Kooxdii Hooyo Fanka Soomaaliyeed, Muddo Ka Dibna Waxa Uu Si Rasmi Ah Shaqo Uga Bilaabay Radio Hargeysa, Qaabilsanaa Qaybta Madaalada Iyo Murtida, Wuxuu Noqday Abwaankii Ugu Horeeyay Ee Radio Hargeysa Ka Soo Daayay Majaajilo Qosol Badan, Oo Ahayd Sanadku Markuu Ahaa 1963-Kii, Cabdilaahi Cabdi-Shube Ilaah Ha U Naxariisto’e, In Aanay Waxan Jacburka Tiriyaa Aanay Cid Uga Horaysay Jirin, Luuqadaha Abwaanku Yaqaanay AUN Waxaa Ka Mid Ahaa Af-Talyaaniga, Af-Hindiga Iyo Carabiga Oo Uu Yaqaanay , Halbuurku Waxa Uu Geeriyooday AUN Abwaan Cabdilaahi Cabdi Shube Magaalada Hargeysa

 

Abwaan Cabdilaahi Cabdi Shube Oo Aan Odhan Karno Wuxuu Ahaa Macalin Loo Soo Saaray Umada Afka Soomaligaku Hadasha Ee Ku Nool Geyiga Geeska Afrika, Waxaynu Ku Xasuusan Doonnaa Suugaantii Dhaxal Galka Ahayd Ee Uu Inooga Tegay Oynaan Weligeen Dhamayn Doonin Ee Isku Jira Gabayda Iyo Heesaha Murtida Iyo Madaadaalad Leh

 

 

 

Abwaan Cabdilaahi Cabdi Shube Waa Gabayaa Ku Caana Gabayada Maadda, Majaajillada Iyo Murtidaba, Gabaygan Hoos Ku Qoran Wuxuu Ku Tilmaamayaa Waxyaabaha Aan Sidoodii Dhabta Ahayd Ee Lagu Yaqaanay Ahayn Hase Yeeshee Lagu Tilmaamo Waxyaalahii Dhabta Ahaa , Iyo Waxyaabo Aanad Markiiba Garan Karin Waxay Yihiin :

 

Shaah Aan Shaahba Ahayn, Shaadh Aan Shaadhba Ahayn,

Shooki Aan Cidi Joogin , Shariiryo Aan Dux Lahayn,

Shimbir Aan Duuli Karaynin , Shayddaan Aan La Arkaynin, Iyo

Sheekh Aan Sheekhba Ahayn Bal Aan Idiin Kala Sheego.

++++++++

Shaah Aan Shaahba Ahayni, Waa Shaygaramxaali Qaboobayoo,

Islaantii Shaqlan Haysoo, Shadaabkii Ay Ku Dartoo, Habro Loo Shushubaayo

+++++

Shaadh Aan Shaadba Ahayni Waa Shaamiis Oborkoodha Oo,

Shaqalahaa Fasishoo , Shiraaq Buu U Egyoo , Kaasaan Shaadba Ahayn,

++++

Shooki Aan Cidii Joogin , Waa Xabaasha Shareeran , Iilka Yare Ee

Ka Shisheeya Oo, Waa Shooki Aan Cidii Joogin.

++++

Shariiryo Aan Dux Lahayni , Waa Quraaca La Shiilo,

Shaydaan Aan La Arkayni, Waa Naag Shaadir Hagooganoo,

Indhihiina Shareertoo, Shaanbinaysa Agtaada , Ee Yaad Ku

Sheegi Lahayd , Waa Shaydaan Aan La Arkayne.

+++

Sheekh Aan Sheekhba Ahayni , Shanbadhyoodliyo Maa’ir , Waa

Nin Faal Ka Shaqeeyoo, Wuxuu Sheegay La Waayayoo , Kaasaan

Sheekhba Ahayn..

 

Waxa Kamid Ahaa Gabyada Jacburka Ee Uu Lahaa Abwaanka AUN Cabdilaahi Cabdi Shube Tiriyey Waxa Ka Mid Ahaa Jacburka Rafad Abwaankii Wayna  Ilaah Janada Haka Waraabiyo’e Cabdilaahi Cabdi Shube, Oo Caan Ku Ahaa Majaa-Jilada Dadku Uu Ku Qoslo, Si Ahaan Marka Aad U Eeg-Tana Waa Gabay Runta Ka Sheegaaya Wax Walba Oo Hadana Maad Ah Gabaygan Rafad Wuxuu Ka Hadlayaa Dhibaatooyinka Qabsta Askariga, Dillaalka , Diyaaradaha Iyo Raha IWM , Wuxuu Yidhi,:-

Geeraar Laabta Ku Raagaa,
Calooshuu Ku Raftaa,
Oo Marka Ruuxu Maqlo,
Qosol Uu Rafa-Naayo,
Rax Bal Aan Kaga Siiyo,
Ee Ruux Walboow-Ba Dhegayso,

Rahu Haduu Biyo Waayo,
Dhoobaduu Ku Raftaa,
 Inan-Kaan La Rabayna,
Edaabtuu Ku Raftaa,
 Reer Magaale Gaboobay-Na,
Haday Ruuc-Ba Murmaan,
Walahuu Ku Raftaa,
Dilaal Saylad Ku Raagay,
Xadhiguu La Raftaa,

Rubiyad Aan Sarif-Nayni,
Kiishaday Raftaa,
Awrkii Heerya-Diisa Ridaana,
Haamuhuu La Raftaa,
Ruuxa Biilka Aan Hil-Hayni,
Hilbuhuu La Raftaa,
Nin Qabyaalad Rasays-Tayna,
Ciil Uun Buu La Raftaa,
Ramad Geel Ninka Maalay-Na,
Kibir Buu La Raftaa,

Meel Rasaastu Dhacaysa-Na,
Maydku Wuu Ku Raftaa,
Diyaarad Riin Ka Xumaaday-Na,
Samaday Raftaa,
Rabbigay Ninkaq Diiday-Na,
Ee Rasuulkii Ka Ordaana,
Cadaabtuu Rafadaa,
Wadaad Aan Ruugin Qu’raanka,
Ruux Gunaa-Nadi Maayee,
Kitaab-Kuu Rogro-Gaayoo,
 Sunuhuu La Raftaa,

Nin Weyn Oo Aan Run Aqoona,
Xaas-Kiisa Ways La Raftaan,
Roob Magaalo Ku Hooray-Na,
Ramaad Soo Bixin Maayo’e,
Laamiduu Ku Raftaa!
Ana Waan Shubma-Yaayo,
Xikmad Aan Cidi Doonin,
Iyo Hadal Baan La Raftaa,
Siyaasad Ruuxa Jeclays-Tayna,
Isagoo Aan Waxba Haynin,
Bay Cirro Ay Rafataa!

                                            

Dhinaca Heesaha Aan Wax Idinka Xasuusiyo Heesaha Abwaanka Leeyahay Ee Ay Qaadan Fanaaniinta Loogu Jecel-Yahay Uguna Codka Toolmoon Uguna Caansan Ama Hormoodkii Hobolada Waaberi, Ilaa Imikan La Xiiseeyo Oo Ugu Horeeyo AUN Boqorka Codka Maxamed Saleeban Tubeec, Cabdi Tahliil Warsame, Xuseen Yusuf Tarabi , Cumar Dhuule Cali, Axmed Mooge Liibaan AUN, Xasan Diiriye Faarax, Salaad Darbi, AUN, Cabdilaahi Qarshe Iyo Axmed Muxumed Good (Shimbir ), Dhanka Xidigaha Gabdhaha Fanaaniinta Soomaaliyeed Iyo Waliba Tiirarka Adag Ee Laf-Dhabarta U Ahaa Fanka Soomaaliyeed Iyo Suugaanta Soomaaliyeed Xaliiimo Khaliif Magool , Hibo Nuura, Maryan Mursal Ciise,Faadumo Qaasim Hilowle, Haboon Cabdilaahi Faarax, Aamina Cabdilaahi Iyo Saynab X.Cali Baxsan 

 

Heesta Alla Maanta Iyo Iida Wanagsan Ilaaheen Na Siiye Isaga Ku Abaal Leh, Waxa Ku Luuqeeya Boqorka Codka AUN Maxamed Saleeban Tubeec, Waxaan Ka Mid Ah Ereyada Heest

 

Alla Maanta Ayaanta
Iyo Ciida Wanaagsan
Ilaahii Ina Siiyay
Isagaa Ku Abaale

Way Ahaataye Maanta
Si Wanaagsan Uciida

Arday Joogta Iskuulka
Odayaal Talinaaya
Ilaahii Ina Siiyay
Isagaa Ku Abaale

Way Ahaataye Maanta
Si Wanaagsan Uciida

Calankeena Iftiimay
Xidigtaa Ku Astaysan
Ilaahii Ina Siiyay
Isagaa Ku Abaale

Way Ahaataye Maanta
Si Wanaagsan Uciida

Hadba Kii Arin Keena
Kan Kale Aqbalaaya
Ilaahii Ina Siiyay
Isagaa Ku Abaale

Way Ahaataye Manta

Si Wanaagsan Uciida

 

Waa Murtidii,Waa Midhihii,Waa Mullaaxdii Iyo Maansadii Ilaahay Ha Unaxariistee

Abwaan Cabdilaahi Cabdi Shube Sameeyay Ee Ilaa Hada La Xiiseeyo Ee Dhaga Jeceshay Bal Dhawr Heesood Aan I Soo Bandhigo Ereyadooda Akhristayaaloow Waxa Kamid Ahaa Heesta Ay Ku Wada Luuqeeyaan Boqorada Codka Haweenka Somaliyeed AUN Xaliimo Khaliif Cumr ( Magool) Iyo AUN Xuseen Yusuf Tarabi : Ereyada Heestu Waa Sidan Hoos Ku Qoran :

Heesta Mala Dhuubtay Awogaa

Igu Dheeri Inantani
Waatan Dhursugayee
Dhuniga U Diideen
Hurda Uga Dhaqaaqee

Dheeheda Midabka Leh
Waa Mid Lo Dhameyoo
Maba Kala Maba Kal Mabala Dhantalnee

Amba Kugu Dhadhabayoo
Laba Isku Dhiganta
Mid Haduu Dhaltaanmana
Dhisma Uma Hagaage

Amba Dhamac Galgacal Baa
I Dhalaalineeso
Dhexdu Ila Yaraatee

Dhagar Qabe Jacaylbaa
Inta Uu Dhan I Riday
Ma Dhex Galay Wadnaha Oo
Ma La Dhuubtay Awgaa Ma La Dhuubtay Awgaa

Dhadhab Kugu Xasuustoo
Riyo Kugula Dheelee
Dhalad Xuural Cayneey
Dhanaad Qabatey Waayee

Kolkaad Soo Dhawaataa
Dhulku Wada Iftiimaa
Maba Kala Dhantaalee

Amba Kuma Dhaliilinee
Sidaad Iigu Dheertahay
Dhaxalkeyga Kugu Qoray
Inaa Dhahal Kaa Dhaafee

Amba Dhamac Galgacal Baa
I Dhalaalineeso
Dhexdu Ila Yaraatee

Dhagar Qabe Jacaylbaa
Inta Uu Dhan I Riday
Ma Dhex Galay Wadnaha Oo
Ma La Dhuubtay Awgaa Ma La Dhuubtay Awgaa

 

Waxa Kale Ka Midaa Ahaa Heesaha Kale Ee Uu Sameeyay Abwaanku Heestan Waxa Uu Sameeyay Sanadku Markuu Ahaa 1968-Kii , Ay Noqotay Heesaha Caanka Ah Ee Boqorka Codka Aun Maxamed Saleeban Tuebec Ku Luuqeeyo , Waxaan Laxanka Saaray Aun Cabdilaahi Qarshe

Heesta Caloolyoow

Cabashiyo Caloolyow
Ciil Kaama Bi’iyaan
Tala Cayn Wareegtana
La Iskuma Canaantee
Caqli Iyo Hubsiinaa
Cidhib Looga Aayaa
Cidna Eersan Maayee 

Sida Ciyowga Aydaan
Casarkii Dhawaaqaa
Ama Cawsha Duurkaan
Cidla Duur Wareegaa
Ciirsilaa Anays Dhigay
Iyo Culuuqan Gaystoo
Cidna Eersan Maayee

Jacayl Waa Cadaawoo
Cidi Kaama Qaadee
Dawa Lay Cabsiiyiyo
Cashar Wan Ka Quustee
Waxa Cunaha Dhaafiyo
Cunto Waan Ilaawoo
Cidna Eersan Maayee

Cirku Nimuu Kusoo Dumay
Cidi Kama Dulqaadee
Dhulku Miduu La Ciirana
Laga Caawin Maayee
Casharkii Ihaleelaa
Cadkii Iga Dhameeyoo
Cidna Eersan Maayee

Cawa Iyo Ayaankuba
Calaf Eebe Weeyee
Cisigiyo Wanaaguna
Lama Celin Karaayee
Ciirsila’ Anays Dhigay
Iyo Culuuqan Gaystoo
Cidna Eersan Maayee

 

Heestan Abwaanku Waxa Uu Sameeyay Sanadku Markuu Ahaa 1967-Kii ,waxay tahay heesaha loogu jecelyahay geyga somaalida ee ay dadka dhegaystaan, ee aan laga xiiso dhicin maalin maalinta kadanbeeysa, waxaan codkooda halaasiga ku luuqeeya maryan mursal ciise iyo Aun Cumar dhuule cali, Waxaan Laxanka Saaray cumar dhuule cali  

Heesta Buur baa kugu gudbane

Siduu Ii Barkaday
Hurdo Kaama Bogtoo.
I Bariisayoo, Waygu Baahaayee

Adaan Kuu Bukaaa.
Ma I Bogsiin Kartaaa

Buur Baa Kugu Gudbanee..
Miyaad Sooo Bixi Kartaa

Nabsi Igu Bataa
Buul Igaa Dhistooo
Siduu Yahay Birdana
Bahdii Iga Jareee

Intaan Lay Bud Dhigin
Ma I Bogsiin Kartaa.

Buur Baaa Kugu Gudbane
Miyaad Sooo Bixi Kartaa

Boqoshada Kal Gacal
Badh Baa Iga Hadheee
Iguu Boob Markaan.
Bidhaantaa Arkoo

Yaan Badin Warkee
Maxaa Inoo Balanaa

Buur Baaa Kugu Gudbane
Miyaad Sooo Bixi Kartaa

 

 

Hadii Alaha Awooda Lihi Ogolaado Waxa La Ururin Doonaa Oo Daabacaad Lagu Samayn Doonaa Wixii Suugaantiisii Iyo Fanka Abwaanka,

 

Haddaba, Waxaan Ku Soo Koobi Lahaa Qormadan Inuu Abwaan Cabdilaahi Cabdi Shube Ahaa  Shaqsi Lahaa Maaddo ,Madaadlo, Dhaqan Wanaag Iyo Fan-Wanaag Isku Darsatay, Islamarkaana Mudan In La Xusuusto, Isla Markaan La Xuso. Waxaana Igu Dhalisay Inaan Tilmaamo Fanka Iyosuugaantii U Lahaa Halbuurku , Waxa Kale Oo Aan Dhammaan Inta Dhimatay Abwaanadii Iyo Hoboladii Fanaaniinta Soomaalida Leeyahay Ilaahay Ha U Naxariisto .

 

La Soco Qaybta 2-Aad

Qore: Garyaqaan Muxiyadiin Maxamed Cabdi

Hargeysa

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso