Madaarka Cigaal Waa Madaar leh Sadex Maamule & Hawlaha shaqo ee ay Ku Foogan Yihiin

Madaarka Cigaal Waa Madaar leh Sadex Maamule & Hawlaha shaqo ee ay Ku Foogan Yihiin (WARBIXIN)
Sideedaba Madaarka Cigaal ee Caasimadda Somaliland ee Hargaysa waxa uu ka Mid yahay meelaha ay ajaaniibta shisheeye iyo Kuwa u dhashay dalkani ay ka soo galaan waddanka marka ay ka yimaadaan dalalka dibada, Wanaag iyo Samaan waxa ay kala kulmaan waa fariin ay marka danbe siinayaan dadyow kala duwan oo aan hore u iman Jamhuuriyadda Somaliland.
Marka ay sidaas tahay waxaa Muhiim ah in laga ilaaliyo wax kasta oo hoos u dhigi kara mustawaha uu madaarku dalka u leeyahay,Sidoo kale waxaa waajib ah sidii loo heli lahaa maamul khibrad iyo waayo aragnimo buuxda u leh Shaqada ay ka qabanayaan madaarka iyagoo ah adeegaal bulsho isla markaana ay dhisan tahay aqoonta dhanka madaarada iyo sida loola macaamiilo dadka socotada ah haday tahay kuwo dhoofaya amase soo degaya.
Waxaan booqday Madaarka Cigaal doraad Iyadoo Muraayadka aan u tegay uu la xidhiidho sidii aan u soo qaadi lahaa qof qaraabo dhow ila ah oo ka soo degayay gegida diyaarada ee hargaysa ee Cigaal International Airport, anigoo ah Muwaadin u dhashay dalka oo la hubiyey in aanan sidan wax amaanka wax u dhimaya ayaa hadana waxaan dhib ka mutay gelitaanka madaarka taas oo igu qaadatay in ku dhow Sadex saacadood oo xidhiidh ah inkasta oo aan arkay dad door ah oo sifo ka duwan kii aan anigu maray lagu sii daayay waxaan isweydiiyey sababta dadkaas loo sii daayay anigana marba meel saacado la igu hayo,waxay tani I tustay inay Jiraan wax iga qarsoon oo ay haboon tahay inaan wax ka ogaado xaqiiqadeeda.
Askari u dhawaa Goobta aan markaas taagnaa Ayaan weydiiyey waxa aniga la ii fasaxi waayay ee dad kale oo iga danbeeyay isla markaana aan baadhis la marin loo sii daayay wuxuu mid ka mid ahi iigu Jawaabay ‘’Waa Asxaabta Maamulka Madaarka ee adigu Kuwaas kuma Jirtid’’ ayuu si kooban iigu hal celiyey waxaan hadana weydiiyey miyaanay haboonayn inaad baadhaan isagoo wejigiisa cadho laga dareemayo ayuu ku jawaabay ‘’ Adeer ma waxaad doonaysaa inaan inamada yar yar isku dhacno,dhawr jeer oo hore Ayaan is eednay oo weliba aniga Khaladka la isaaray’’ anigoo dareensan inuu jiro wax uu ka cadhaysan yahay Ayaan ku idhi ma adigoo shaqadii laguu xilsaaray gudanaya ayaa inaad khalad samaysay lagaa dhigay taasi waa arrin aan wanaagsanayn Wuxuu askarigan oo Taxadar badani ka muuqdo iigu jawaabay ‘’Haa’a mar ma aha oo laba ma aha’’, Halkaas marka uu marayo waxaa goobtii aanu taagnayn oo albaab ah soo istaagay Nin dhallinyaro ah oo Telefoon ku hadlaya Waxa uu cida uu la hadlayay u sheegay inuu soo gaadhay albaabkii,Askarigii ayuu ku yidhi la hadal Telefoonka,Qabashadii askariga ee Telefoonka cidii hadlaysay waxay ku amartay inuu soo daayo qofka Telefoonka wata sidaas ayaana lagu sii daayay isaga oo marin wax baadhis ah,Markuu Wiilkii dhallinyarada ahaa na dhaafay Ayaan weydiiyay ma sidaa fudud ayaa hada qofka la garanayo lagu sii daynayaa waxa uu iigu Jawaabay ‘’Ma Taqaan Cida uu ila hadashiiyey’’ Maya Ayaan ku Jawaabay waxa uu Yidhi ‘’Waa mid la Yidhi waxaad tahay Maamulaha Madaarka,Kii uu rabana waa la sii daayaa ka aanu doonayna albaabkan ma dhaafo’’.
Wuxuu askarigani si fiican iigu sharaxay sida uu maanta madaarka caasimadda hargaysa oo ah muraayadii qaranku u shaqeeyo ‘’Meeshan aqooni ma Taalo weligay maan arag taariikhda madaar leh saddex maamule taasi waxsay ku tusaysaa maamul xumida ka jirta hay’ada duulimaadyada Somaliland,Sadexdooda Maamule midkoodna aqoon uma laha aqoonta looga baahan yahay duulimaadyada waxaana lagu keenay hab qabyaaladeed waayo hadii in uun ay garanayaan shaqada amni ee aanu hayno waxay odhan lahaayeen Qofkaas marka hore baadh markaad hubiso soo daa’aa halka ay hada kugu amrayaan waa inaad qofkaas soo deyso,Hadii Sadexdaas Maamule aanad Midkood aqoon halkan waa lagugu dhibayaa’’.
Wakhti dheer kadib isla markaana aan dareemayo daal xoogan ayaa waxaa Halkii aan taagnaa soo maray Mas’uul ka tirsan waaxda Socdaalka oo aan aqoon gaar ah isu leenahay waxaan u sheegay inaan saacado halkan taagnaa, Mas’uulkan ayaa weydiiyey askarigii in la I baadhay askarigii ayaa ku yidhi waa la baadhay kadib wuxuu I dhaafiyey albaabkii aan taagnaa , Gudaha Ayaan galay dhawr qof oo aan is naqaan Ayaan halkaasi ku kulanay kuwaas oo ka shaqeeya gegida diyaaradaha ee cigaal waxaan la wadaagay dhibtii iga qabsatay inaan soo gaadho halka aan markaas ku sugnaa waxaan mid ka mid ah weydiiyey oo Ma sidan ayaa ka dhab ah Maamul xumida ka Jirta Madaarku wuxuu qofkan aan la sheekaystay ii sheegay in Maamulka madaarku ay wakhtiyada shaqada ku mashquulaan soo deynta iyo soo dhawaynta dadka ay isku haybta yihiin amase kuwa ay ka dhaxayso macaariifada gaarka ah iyagoo u fududeeya xitaa waxyaabaha ka mamnuuca ah madaarka isla markaana ku tagri fala awooda ay ku magacaaban yihiin.
Nin dhar isku joog ah xidhan oo gacanta ku sita fooniye ayaa meel aan naga durugsanayn kula hadlaya Qof raacaya diyaarad markaas taagnayd madaarka,Ninkii ka shaqaynayay Madaarka ee aqoonta ii lahaa ayaa igu yidhi ‘’Kaas miyaad taqaan’’ Waxaan ugu hal celiyey Waa ayo’’ Wuxuu igu Yidhi Waa Maamulaha Madaarka Waana isku wada mid waxa uu iminka qofkaas dhoofaya sii farayaa in marka uu soo noqdo uu u keeno Suudh iyo Kabahiisii iyagoo ku sooryaynaya inay qofkan rakaabka ah mariyaan Qolka VIP-da si uu Sawiro ugu sii galo,Iyadoo Qofkii aan Cid ka aqooni uu dhibaato ka mudanayo.
Si kastaba ha ahaatee Markaan darsay Mushkiladihii aan Saacadaha Kooban ku soo arkay Madaarka Cigaal oo ah Madaarka maanta ugu weyn ee Somaliland isticimaasho waxaa haboon sidii loo heli lahaa Mas’uuliyiin u qalma maamulkiisa iyadoo laga taxadirayo in aanay inagu iman khatar amni oo ka timaada dadka sida fudud loo soo daynayo,Maadaama aynu xog ogaal u nahay dhacdooyin amni xumo oo ka dhacay Madaaro la mid ah ka Somaliland kuwaas oo markii la baadhay la ogaaday in Maamulkoodu u fududeeyay in Qofkii waxyeelada gaystay ay iyagu soo daayeen,Waana in Madaxda Madaarka Cigaal lagu xushaa aqoon iyo xirfad maamul.
Waxaa qoray Suxufi Cabdi Jaamac
suxufiwarfaa2017@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso