Khadka Internet-ka oo la jarayo Jasaa’ir si loo joojiyo Qishka.إ

Xukuumada Jasaa’ir ayaa jartay isticmaalka Khadka Internetka dalka oo dhan laba saacadood Maalintii Arbacadii si loo joojiyo ama loo hakiyo in wax qish ahi dhaco inta lagu jiro Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada dalkaasi.

Wasiiradda Waxbarashada Jasaa’ir Nurriya bin Qabrid ayaa sbeegtay in wixii loo isticmaalo khad internet sida Telefoonada la qaato iyo qalabyada kaleba laga mamnuucay in ka badan 2000 oo goob imtixaan guud ahaan wadanka,waxayna intaa ku dartay in qalab fashilanaya lagu xidhay goobaha.

Talaabada labaad ayay wasiiradu ku sheegtay in ay ku rakibeen qalab khalkhaliya tashwiishna ku fura telefoonada gacanta iyo kamaradaha ilaalada goobaha lagu daabaco waraaqaha Imtixaanaadka.

Wasiiradda Waxbarashada ayaa tidhi waxa la xidhi doonaa internet-ka oo ay ku jiraan baraha Bulshada sida Facebook waxaana la xidhi doonaa Imtixaan kasta oo la qaadayo Nusu saacaa U horeeya inta lagu jiro Imtixaanka,Imtixaanka oo soconaya 20 ilaa 25 June.

Geesta kale waxa la jaray khadka internet-ka iyada oo la raacayo go’aamada Xukuumadda si uu imtixaanaadku ugu qabsoomo si nabadgelyo ah ayay sheegtay, shirkadda Isgaadhsiinta Jasaa’ir.

Mudada ay soconayso go’itaanka internetku ayaa socon doonta ilaa Isniinta soo socota si looga hortago Qishka Imtixaanaadka oo sanadkan ay ka qayb qaadanayaan in ka badan 700 Kun oo arday.

Aljasaa’ir ayuu ku faafay Qishka Imtixaanaadka ha ugu darnaato Sanadii 2016 oo Waraaqaha Su’aalaha Imtixaanaadka lagu baahiyey Baraha Bulshada.

Sanadkii hore ayaa Xukuumadu ka codsatay Shirkaddaha Isgaadhsiinta inay joojiyaan gelitaanka Baraha bulshada si aan loo helin waraaqaha Imtixaanaadka,se talaabadaasi may xalin Mushkilada si dhamaystiran.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso