Beesha Caalamka oo Daadifeysay Dalab Soomaaliya ka soo Yeedhay oo ka Dhan ah Somaliland

 

Hargeysa(ToggaHerer)- Beesha caalamka ayaa si adag uga jawaabtay qoraal ay dhowaan u gudbisay dawladda taagta daran ee  Soomaaliya,  taas oo ay ku doonaysay in la hoos keeno deeqihii  ay Somaliland ka heli jirtay bulshada caalamka.

Waxa kaloo ay   daadifeeyeen in aan dib loo cusboonaysiin heshiiskii laba geesoodka ahaa ee New Deal  oo ay Somaliland, Soomaaliya iyo qaadhaan-bixiyeyaasha caalamku  ku kala saxeexdeen shirkii London  sannadkii 2013-kii.

Warsaxaafadeedkan ay soo saartay Beesha caalamka oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhey wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa lagu sheegay in  aanay suurto-gal ahayn in isku si loola dhaqmo Somaliland iyo Soomaliya, waxaanay  Bulshada caalamku intaas ku daray in aanay isku duruuf ahayn  labada dal.

 

Waxa kaloo  qaadhaan-bixiyeyaashu sheegeen  in ay Somaliland awood u leedahay in ay dib u cusboonaysiiso nidaamkii  ay Somaliland sida tooska  ah uga heli jirtay mucaawimooyinka  ay bixiyaan Beesha caalamku, waxa kale oo war-murtiyeedkaas lagu caddeeyey in aan isku si looma macaamilaynin Somaliland iyo maamul-goboleedyada Soomaaliya.

 

 

Geesta kale Beesha caalamku waxay u iftiimiyeen  dawladda Muqdisho in loo baahan yahay in Somaliland  si cadaalad iyo sinaan ah u hesho mucaawimooyinka caalamiga ah, si ay ugu fulinayso horumarinta baahiyaheeda gaarka ah.

 

 

Waxa kale oo ay sheegeen  Qaadhaan bixiyeyaasha caalamiga ahi in ay Somaliland tahay meel ay ka heli karaan isla xisaabtan, taasina ay tahay sababta aanay mucaawimooyinka  ay siiyaan Somaliland u hoos geynaynin Soomaaliya. War-saxaafadeedka beesha caalamka waxa lagu xusay in aanay doonaynin in la siyaasadeeyo arrimaha mucaawimooyinka Soomaalida dhexdooda.

 

Qoraalkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhey Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa ku saxeexnaa  Phil Evans oo ah u qaybsamaha  hay’adda DFID ee Somaliland iyo Somaliland  iyo Per Karlsson oo ah u qaybsamaha Somaliland iyo Soomaaliya  ee Deeq bixiyeyaasha caalamiga ah u qaabilsan safaaradda dalka Sweden, waxa kale oo isna ku saxeexnaa Guglielmo Giordano oo ah u qaybsamaha ee wakaaladda mucaawimooyinka Talyaaniga ee Soaliland iyo Soomaaliya.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso