Fashilka ku Yimid Hay’ada Duulista Madaarada Somaliland iyo Heerka Aqooneed ee Maamulkiisa oo Qancin Kari waayay Qaar ka mid ah Shirkadaha Diyaaradaha!!!

Fashilka ku Yimid Hay’ada Duulista Madaarada Somaliland iyo Heerka Aqooneed ee Maamulkiisa oo Qancin Kari waayay Qaar ka mid ah Shirkadaha Diyaaradaha!!!!
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kadib markii uu la wareegay hogaaminta dalka waxa uu baa’biyey Wasaaradii Duulista iyo Hawada Somaliland taas oo uu u bedelay hay’ada duulimaadyada iyo maamulka madaarada Somaliland.

Waxa uu Madaxweynuhu u magacaabay Maareeyaha guud ee hay’ada duulimaadyada iyo maamulka Madaarada Duuliye sare Cabdi Maxamed Rodol.
Dawlada federaalka Somalia ayaa ciyaartay kaadh siyaasadeed oo aad ugu shaqeeyay kadib markii ay la soo wareegtay maamulka hawada ee dalkii la isku odhan jiray Somalia kana dhigtay xarunta maamulka hawada ee Somalia magaaladda Muqdisho sidoo kale shaqaalahii ka hawl galli jirray Magaalada Nayroobi ayaa u guuray caasimada somalia ee Muqdisho si ay uga hawl galaan iyadoo sannadkii ka helaysa dhaqaale dhan 39 million oo dollar.
Dhaqdhaqaaqa socda waxa uu muujinayaa in magaalada Muqdisho ay ku degi doonaan diyaaradaha waaweyn maadaama ay ku taalo xaruntii guud ee maamulka hawadu Somalia waxaana Somaliland loo soo diri doono diyaarado yar yar oo soo qaadi doona rakaabka u soo safraya deegaanada Somaliland.
Maareeyaha guud ee hay’ada duulimaadyada Somaliland Duuliye Sare Cabdi Maxamed Rodol oo madaxweyne Muuse Biixi xilkan u magacaabay ayaa ilaa hada sidii la rabay uga falcelin talaabooyinka lagu adhax wareemay Maamulista Hawada ee dhulkii la isku odhan Jiray Somalia, Dhawaan ayaa Maareeyaha Guud ee Hay’ada Duulimaadyada Somaliland isagoo ka jawaabaya Su’aal laga weydiiyey sababta ay madaarka cigaal ugu diideen inay soo fadhiisato diyaarad siday 50 dhallinyaro ah oo u dhashay Somaliland oo laga soo celiyey dalka Liibiya waxa uu sheegay in diyaaradani aanay madaarka cigaal ka haysan wax ogolaansho ah,Hasa yeeshee Waxa uu Maareeyuhu si cad u sheegay in Madaarka Cigaal aanu haysan qalabka lagu ogaado hadii ay diyaaradi si deg deg ah u rabto inay ugu soo degto madaarka uu maamulo,inkasta oo qalabkani yaalo hadana waxa hadalka Maareeyaha Guud laf jab ku yahay Karaamadii madaarka sidoo kale wuxuu ka markhaati khacayaa aqoon daro baahsan oo haysata madaxda isaga kala saraysa Madaarka Diyaaradaha ee Cigaal.
Dhanka Kale Todobaadkii Tegay ayaa Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airline waxay maamulka madaarka diyaaradaha ee cigaal ee caasimadda Somaliland ee hargaysa ku soo wargeliyeen inay qorsheeyeen inay Madaarka soo fadhiisato Mid ka mid ah Diyaaradahooda waaweyn ee Nooceedu yahay 787 iyagoo madaxda madaarka ka dalbaday inay u soo cadeeyaan Derajada uu haatan ku shaqeeyo madaarka cigaal iyo inay yaalaan Qalab suurto gelin kara sidii diyaaradan looga dejin lahaa wixii rar ah ee saaran,hasa yeeshee Maareeyaha Guud ee Hay’ada Madaarada Somaliland iyo Madaxdiisa kale Ayaa la sheegay inay Shirkada u sheegi kari waayeen darajada uu haatan madaarku ku shaqeeyo,taas oo dhalisay in la Joojiyo Duulimaadkii diyaaradaas weyn ee Ethiopian Airline Sidoo kale Waxay dhacdadani ku dhacday Diyaarad lagu magacaabo Sky Cargo oo laga leeyahay dalka Koonfur Africa.
Sidoo kalena waxay bulshada ku xidhan madaarka Cigaal u arkaan Maareeyaha Guud ee Hay’ada Madaarada Somaliland oday waayeel ah oo aan gudan Karin waajibaadka balaadhan ee saaran maadaama uu soo shaqo galo maalintii 11:00 Barqo-nimo.
Geesta Kale Maamulaha madaarka diyaaradaha ee Cigaal International Airport Maxamed Yuusuf ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku Jiray Safar Taxtaxaash ah oo uu ku tegayay dalal ka tirsan qaarada Yurub iyo hada oo uu ku sugan yahay waddanka Jabuuti oo uu dalxiis ahaan u joogo.
Maamulahan ayaa la sheegay inuu tacadi ku hayo hawl wadeenada madaarka cigaal iyo dadka safarka ku ah madaarka Tusaale ahaan waxa uu Mas’uulkani qofka dalka ka baxaya u diidaa inuu diyaarada la fuulo Subag isagoo qofkii uu ku arkana ka qaada dibna ugu iibiya suuqyo ku yaala caasimadda hargaysa halka cidii uu rabo amase uu dan ka leeyahay fursad u siiya inay qaataan wixii Subag ah ee ay diyaarada la raacayaan.
Si kastaba ha ahaatee dhaq dhaqaaqyada xawliga ku socda ee dawlada federaalka Somalia ay dib ugu hantiday la soo wareegida maamulka hawada ee dhulkii la isku odhan jiray Somalia ayaa u muuqda inay Somaliland kaga hormartay sidii ay hay’ada caalamiga ah ee qaramada midoobay ee duulimaadyada uga dhaadhicin lahayd inay iyadu xaq u leedahay maamulka hawada dhulkeeda iyadoo indhaha ka lalisay heshiisyadiii ay labada dal ku gaadheen dalka Turkiga,Sidoo kale Waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland looga fadhiyaa inuu dib u eego heerka maamul ee Mas’uuliyiinta isaga saraysa Maamulka hawada Somaliland oo uu ugu weyn yahay Gegida diyaaradaha ee Cigaal ee Caasimada hargaysa oo ah Garoonka keliya ee sida rasmiga ah maanta uga shaqeeya Somaliland.
Ilaahoow Xaqa na Garansii
Waxaa qoray Cabdi Sahal Jaamac
Email Cabdisahal@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso