Duufaantii Jaleeco Madaxweyne Ee Degmada Sallexley.

Jawaab Celintii Xukuumadda ee Duufaantii Jaleeco Madaxweyne Ee Degmada Sallexley Ku Dhuftay.

Waxa saaka bacda salaatul fajri magaalada hargeysa ka ambabaxay wefdi balaadhan Oo xaqiiqo raadis ah kuwaas Oo qiimeynayay waxyeelada duufaanta.

Wefdiga xukuumadda waxa hogaaminayay xildhibaan laga soo doortay deegaanka:

1.  Xil. C/raxman cisman caalin
2.  Wasiir ku xigeenka waxbarashada
3.  Gudomiyaha aafooyinka & kaydka
4.  Badhasaabka gobolka m/jeex
5.  Agaasimaha guud ee gaadiidka
6.  Gud. Gaaroodi
7.  Gud. Gudida Sahan barwaaqo
8.  Mayorka balli-gubadle.

Hadaba markaan soo koobo waxyeeladii ka dhalatay duufaantii jaleeco madaxweyne waa;

Hal qof Oo ku geeriyooday &

13-qof Oo ku dhaawacmay.

Danta guud; 7-meelood Oo kala ah:

1. Secondry school   = 5 fasal jingadii ka qaaday.
2. Primary school   = 2 fasal
3. Maxkamadda     = 2 qol
4. Dugsiga aqomaha=   3 fasal & deyrkii.
5. Jeelkii                 = jiingada ka wada qaaday.
6. Cisbitalkii            = 1 waadh
7. Laydhkii              = Dhamaan xadhkihi & birihii laydhka.

Danta guud                       = 7 meelood
Dukanada sandaqadaha = 11 dukaan
Guryaha daaraha ah         = 21 guri
Aqal soomaaliyada          = 31 aqal.

Waxa kale oo iyana xusid mudan in badi galoolkii waa-weynaa ay dhulka wada dhigtay duufaantii jaleeco madaxweyne.

Horaantii Deeqdii Xukuumadda.
1. Bacaha guryaha la saaro
2. Bustayaal
3. Timir
4. Buskud &
5. Dhar.

Ugu denbeyn;
Wefdigii xukuumadda ka socday waxay goobtii ka balan qaadeen inay keenayaan kaslmo dhamaystiran Oo ay dadkooda la qaybsanayaan dhibtii ka soo gaadhay duufaantii jaleeco madaxweyne ee xalay fiidkii ku dhufatay degmada sallexley & deegaano hoos yimaadda.

Inagoo ugu baranay xukuumadda madaxweyne MBC jawaab celin degdega sidii marmar hore dhacday sida;
Reerkii daadka ka qaatay caruurta Oo madaxweynuhu cagihisa ku yimid & sidii wanaagsanayd ee ay uga jawaabtay dhacdadii u denbeysay ee duufaantii gobolada galbeed oo isna madaxweynuhu cagihiisa ku tagay.

Allaa Mahad Leh.

Gar.  Keyse Koosaar Cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso