Muusihii shalay iyo muusaha manta mohamed osman

Muusihii shalay iyo muusaha manta

Inta badan bulshadii u ololaynaysay madaxwayne muuse marka la waydiiyo maxaad ku dooranaysaa musharaxiina jawaabaha ay bixin jireen waxaa kamid ahaa.

Waa musharax dadkiisa iyo dalkiisa si wacan u yaqaana arimaha gudahana ku xeel dheer.

Iyo waa musharax xisbigiisa waxqabadkii uu lahaa sii xoojinaya, dhamaystirayana qabyada taagan, ilaalinayana sumcada madaxwaynaha isaga dhisaya oo ah madaxwayne siilanyo.

Hadaan soo kobo musharixii shalay ee xisbiga kulmiye ahna madaxwaynaha manta Somaliland ka arimiya mudane muuse bixi cabdi waxuu dalka haystaa muddo dhan 6 bilood, intii uu haystay waxaa dalka ka dhacay dagaal beeledyo dhimasha  iyo dhaawac badan dhaliyay,

balse musharixii shalay ahna madaxwaynaha manta ee dadkiisa iyo dalkiisa kala garanayay waxuu awoodi kari la yahay isagoo kaashanaya khibrada uu dadkisa iyo dalkiisa u leeyahay inuu soo afjaro.

Intaa waxaa dheer waxay xukuumadan daaha ka qaaday ceebihii ay lahayd xukuumadii ay talada kala waregeen ee uu gadhwadeenka ka ahaa madaxwayne siilanyo.

Waxaana kamid ah ceebaha ay daaha ka rogeen shaqaale kamid ahaa shaqaalihii xukuumadii hore ay shaqalaysiisay, inbadana ay media ha ka cadeyeen in waxqabadkoodu ka mid yahay 6000 oo dhalinyara ah inay shaqalaysiiyeen, arinkaa waxaa masaxay oo inbadan shaqaalihii qornaa eryay xukuumada uu madaxwayne muuse gadhwadeenka ka yahay.

Hadaynu dib isu xasuusino madaxwayne siilanyo waxuu talada dalka kala wareegay xisbigii UDUB oo ahaa xisbi ay kala dhaxaysay xisbigii KULMIYE loolan siyaasadeed, hase ahatee madaxwayne siilanyo kumuusan tacadiyin shaqaalihii markaa dariiqa shaqaale nimada ku jiray ee ahaa temporary.

Waxaa intaa dheer madaxwayne silanyo xisbigiisa dayn mihii lagu wareejiyay si diblumaasiyadaysan ayuu u asturay dowladaan la wareegtay dayn mihii lagu lahaa xukuumadii hore

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan madaxwayne muuse ugu baaqayaa in mustaqbalka XISBIGA KULMIYE la ilaaliyo.

Si loo xaliyo xaladaha taagay ee dagaal beeleedyadana qorsha wax ku ool ah lala yimaado

Ceebaha dibada lasoo dhigayana laga daayo

Advertisement

Ku Xayeysiiso