Xog ku Saabsan Sababta Idaacada Radio Hargaysa Iyo FM-yada Magaalooyinka Waaweyni ay hawada uga Maqan yihiin Mudo Bil iyo Dheeraad ah

Waxaa Mudo bil iyo dheeraad ah hawada ka maqan War laliyihii Weynaa ee Idaacada Radio Hargaysa kadib markii ay Ciladi la soo deristay dabayaaqadii bishii April ee sannadkan,waxaana xiligaas dalka yimid engineer ka socday waddanka shiinaha oo uu ku taalo Companiga laga soo Iibsaday Cod baahiyahan kaas oo lagu magacaabo Beijing BBEF Science & Technology Com LTD.
Waxa uu Khabiirkani ku guulaystay Kicinta Warlaliyahan hasa yeeshee ugu badnaan shan Cisho kadib markii Engineerkaasi laabtay ayaa mar kale Ciladi ku timid warlaliyaha weyn ee radio hargaysa oo ah ka laga dhagaysto Guud ahaan gobolda iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Meelo badan oo ka mid ah Caalamka,maadaama awooda cod baahiyahani dhan tahay 100 KWT.

Iyadoo taasi Jirto ayaa waxaa hadana hawada ka baxay Idaacadihii FM-ka ahaa ee laga dhagaysan Jiray Idaacada Radio hargaysa iyo Ta Qur’aanka Kariimka ah ee yaala magaalooyinka waaweyn ee Ceerigaabo,Burco,Gebilay Iyo Boorama.
Sida ay warar xog ogaal ahi noo xaqiijiyeen Fm-ta Magaaladda Ceerigaabo oo la marin jiray habka Online-ka isla markaana ay mudo badan wasaarada ka gacan siin jirtay Shirkada Isgaadhsiinta ee Somtal ayaa Wasiirka wasaaradda warfaafinta Mudane C.raxmaan cabdilaahi Guribarwaaqo amar ku siiyey inay bakhtiiyaan kuna wareejiyaan Shirkada Telesom waxay mas’uuliyiinta Shirkada Somtel ka codsadeen wasiirka inuu qoraal ku soo siiyo amarkan taas oo wasiirkuna fuliyey sidaasna ay weli ku aamusan tahay Idaacadii FM-ta Radio Hargaysa ee Ceerigaabo.
Geesta Kale Waxay Cilado kala duwan oo intooda badani la xidhiidho daryeel la’aan ay la soo darseen FM-yada Radio hargaysa ee Magaalooyinka Burco,Gebilay iyo Boorama oo dhamaantoodba haatan hawada ka maqan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cali Caliyow ayaa 24kii bishii May waxa uu Telefishanka Star u sheegay in Cilad saarida warlaliyaha weyn ee Radio hargaysa ay kala xidhiidheen Shirkadii laga soo iibsaday codbaahiyahan waxaanu xusay inay u sheegeen in Mudo bil iyo badh kadib ay Somaliland iman karaan Khubaro hagaajisa Cilada ay idaacadu hawada kaga maqan tahay.
Waxaad Halkan Hoose ka DAAWAN kartaan Xogwarankii Agaasimaha Guud.

Dhanka Kale waxaa marba marka ka danbaysa sii yaraanaya awooda baahineed ee Telefishanka qaranka qaybtiisa Localka ee hargaysa taas oo keentay in xaafado badan oo ka mid ah Caasimadda hargaysa aan laga heli Karin daawashada Telefishanka qaranka qaybtiisa gudaha amase Local-ka.
Telefishanka qaranka qaybtiisa Localka ayaa isticimaala awood baahineed oo ka yar 1 KW,halka Telefishanada madaxa bannaan ee uu ka mid yahay Eryal Tv ay awooda baahintiisa guduhu gaadho 3 KW, awood yarida telefishanka qaranka ayaa waxaa sabab u ah sida ilo u dhuun daloola noo sheegeen in Transmitter-ka SLNTV ee Guduhu uu mudo dheer shaqaynayay laga soo bilaabo sannadkii 2005-tii oo ahayd markii Telefishanka la furay iyadoo wakhtigaas dheer ee ku siman 13-ka Sanadood hal mar wax laga qabtay cilad la soo deristay waxayna tani dhalisay inuu soo gaabto awoodiisii baahineed.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Mudane Maxamed Muuse Abees ayaa dhawr jeer warbaahinta ka sheegay in Wasaaradiisu ay Gobolada dalka ka Samaynayo Xarumo laga hago Telefishanka Qaranka isaga oo Sheegay in Xaruntii BBC-du ay ka dhisatay dagaalweynihii labaad ee adduunka ee Berbera ay noqon doonto Xarunta guud ee Qaybta Local-ka ee Telefishanka Qaranka Isla markaana ay sida ugu dhakhsaha badan u qalabayn doonaan,Hasa yeeshee dhawaqaas ayaa ilaa iminka u Muuqda Mid aan ficil wadan.
Sida aad Muuqaalkan Hoose Ku DAAWAN Kartaan.

Sidoo Kale Waxa uu Wasiir Ku Xigeenku Kormeer kaas la mid ah ku Tegay Magaaladda Boorama Isagoo ujeedadiisu ahayd sidii uu u soo indho indhayn lahaa Dhismayaal ay Wasaaradda Warfaafintu ku yeelanayso Magaaladda Boorama Kuwaas oo lagaga shaqayn doono Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargaysa Waxayna Balanqaadeen inay Sida ugu dhakhsaha badan u hirgalin doonaan Dhismayaashaas, Kuwaas oo Ilaa hada wax ka midho dhalay aanay Jirin.
Sida aad Muuqaalkan Hoose Ku DAAWAN Kartaan.

Hadaba Warlaliyahan Radio hargaysa oo dhaqaale badanina uu kaga baxay dawlada isla markaana ay Madaxda Wasaarada Warfaafintu hore u Sheegeen in hadii ay Wax Cilad ahi ku Timaado ay Shirkadii laga soo Iibsaday Mas’uuliyada dayactirkiisa Xil qaaday ayaa Waxaa dhinaca kale jirta in Aanu haba Yaraatee oolin xayndaabka wasaaradaasi hal Shay oo Spar Part ah,oo hadii ay Mushkiladi la soo deristo lagu Xalin karo laguna cilad saari karo,waxaana taas badalkeeda dhacda in markasta oo Idaacadu ciladi ku timaado Engineero ka socda Companiga laga soo iibsaday warlaliyahan looga yeedho caasimadda Shiinaha isla markaana lagu bixiyo kharash xoogan ,Khubarada ka socda Companigan ayaa dhawr jeer madaxda sare ee Warfaafinta u gudbiyey baahiyaha deg dega ah ee uu mar walba u baahan yahay Warlaliyahani waxayna tani keentay in Transmitter-ka weyn ee Radio hargaysa uu mar kasta u fadhiisto cilado ay xalin karaan Engineerada Wasaaradda Warfaafinta .
Dhanka kale Shacabka Somaliland ee Gobolada dalka ayaa mudooyinkii u danbeeyayba ka cabanayay in wakhti dheer aanay hayn maqalka idaacada radio hargaysa isla markaana ay u arkaan dayacnaan iyo xil kasnimo daro mas’uuliyadeed,Waxay dadweynahani noo sheegeen in Idaacada Radio hargaysa ay kala socdaan barnaamijyada iyo wararka ay baahiso gaar ahaan Casharka Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah halka ay qaarkood xuseen in maadaama bil ramadaan lagu jiro kuna sugan yihiin deegaano Miyi ah ay Eedaanka Salaada Makhrib kula afuri jireen marka laga soo daayo idaacada balse ay bishan ramadaan ugu dhamaatay iyadoo ay ciladi ku timid Idaacada weyn ee Radio Hargaysa.

Isku soo wada duuboo waa Markii labaad ee Mudadii Koobnayd ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu hogaaminta qaranka hayay ee ay fadhiisato idaacada weyn ee Radio Hargaysa.
Weriye Maxamed Cabdi Sahal
suxufiwarfaa2017@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso