Saacado ka dib Koobka adduunka 2018 oo ka bilaabanaya Ruushka

Munaasabadda furitaanka Koobka Aduunka ayaa lagu qaban doonaa garoonka Luzhniki Stadium ee caasimada Ruushka, kaas oo sidoo kale marti gelin doona Finalka waana garoonka ugu weyn ee dalkaasi waxaanu qaada ila 80,000 oo taageerayaal.

Waxaana la filayaa in ay ka qaybgalaan taageerayaal badan kalana duwani oo ka kala yimid meel kasta, ciyaarta furitaanka waxaa ka horeeya Heeso iyo bandhigyo.


Kulanka ugu horeeya ee Koobka Adduunka wuxuu noqon doonaa mid muhiim u ah taageerayaasha Carabta, iyadoo kooxda Sacuudiga ay ka horimaanayso Kooxda Dhulka leh ahna martigeliyaha Koobka Adduunka.

Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Salmaan iyo Madaxweynaa Ruushka Putin ayaa ku sugnaan doona xafladda furitaanka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso