Axkaamta Ramadaanta Qaybtii 29aad

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 29aad

 

Maxaa xiga Ramadaanta?

Haa, Ramadaan baxday ee maxaynnu ka faa’iidnay ee waxtar inoo leh, waxqabadyadii suubana ee aynnu la iman jirnay halkaynu ku tuurayna, salaaddi badnayd, Quraan akhristii, duco iyo xuskii Alle me?.

Ma ogtahay waxqabad la qabto ka ugu gobsan inu yahay ka la joogteeyo sida Rasuulku ba CSW sheegay, “Camal la qabto waxa ugu khayr badan kala joogteeyo haba yaraade.” Sidaa darteed waa inaynaan noqon dad haan gunta ka daloosha dhaamiya, “Hala nooc noqonina sida tii xadhiga ay soohdo gelinka hore furfurta gelinka dambe.” Se waxqabadkii wanaagsana ee aad Ramadaanta samayn jirtay haddaad halkaa kaga hadho habartaa un baad la nooc noqon.

Waa su’aalle waxqabadyada wanaagsan ee aad la sugto Ramadaanta miyaad hubta in aad Ramadaanta dambe aad gaadhi doontid?. Haddaad leedahay ta dambe ayaan Quraanka intaa akhrine ma lagu sii sheegay inaad ta soo socotana aad gaadhi doontid?.

Sidii aynnu ugu dadaali lahayn waxqabadyadeenna aynnu ka soo barannay bishi barakada badnayd ayeynu dhawrkan tusaale u keeni doona in aynnu la nimaadno:-

  • In aynnu ilaalino oogista salaadaha sunnayaasha ah (Rawaatibta, salaadda habeenkii).
  • Quraanka in aynnu jadwal maalinla ah u samaysano).
  • Sadaqada in aad ogaato bixinteeda.
  • La saaxiibida dadka ehlu khayrka ah.
  • Ku xidhnaanshaha masaajidka.
  • In aad noqoto mid dadka wanaagga fara, xumahana ka waaniya.
  • In aad diinta barashadeeda wakhti u samaysatid.
  • In aad soonka sunnaha ah ku dadaashid.

 

Intaa waxa aynnu ku soo afmeeri doonna qoraaladeenni ‘Axmaanta Soonka’. Dhammaantiin akhristayaal waxa aan marti idinka ahay in aad ila wadaagtaan wixi khalad farsamo ah, ama khalad diini ah ee maqaaladan ku jira, si kuwa dambe aynnu uga saarno.

 

 

 

 

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Rakuub

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso