Noocyada Mucaaradeed Ee Soo Waajahay Madaxweynayaashii Kala Danbeeyey Ee Soo Marey Somaliland


Tan iyo markii dhidibada loo Aasey jamhuuriyada somaliland ka dib hungadii midawgii soomaaliyeed , waxa somaliland soo marey shan madaxweyne oo kala danbeeyey kuwaas oo mid kastaaba goonidiisa ula kulmey mucaaradad wakhtigeeda iyo waayaheeda leh; taas oo mid kastaa ku waajahay caqliyadiisa iyo siyaasada golaha markaasi uu madaxda u yahay ,  taas oo wakhtiyada qaarkeed kuwa somaliland dhaliila u haysteen in somaliland marxalada jahawareerka ah ee gashay awgeed aaney ka soo kabaneyn, balse  golayaasha qaranka iyo musdanbeedka kala duwan ee qaranku siyaabo kala duwan u xaliyeen , sidaa daraaded waxaan qormadeydan ku qaadaa dhigi doonaa noocyada mucaaradada kala duwan ee soo waajahday ama ay la kulmeen madaxweynayaashii kala danbeeyey ee somaliland aniga oo u soo gudbin doona sidii ay u kala horeeyeen madaxdaasi :-

1.     C/raxmaan Axmed Cali (tuur) waxa uu la kulmey mucaaradad ku dhisan xaalad daganaan la’aan iyo jahawareer siyaasadeed , Alle haw naxariistee C/raxmaan Axmed cali oo ahaa madaxweynihii u horeeyey ee somaliland waxa lagu doortay magaalada burco sannadkii May 1991 , halkaasi oo uu ku helay aqlabiyadii golaha iyada oo kuxigeenkiisuna noqday mujaahid xasan ciise jaamac , in kasta oo saamiga aaney ka muuqan beelaha darafyada oo hogaanku ku koobnaa beesha dhexe haddana waxay noqotay natiijo ay xal moodeen golihii markaasi hogaanka u hayey ururkii SNM , muddo xileedkiisii waxa uu ku soo ururey laba sanno oo kaliya  inkasta oo mucaaradada C/raxmaan tuur aaney ka maqleyn arrimo qabiil haddana waxa jirey jahawareer siyaasadeed oo dadka badankiisu aaney fahansaneyn meesha doontu u socoto.   

2.     Maxamed X.ibrahim cigaal :- waxa uu la kulmey Mucaarad Ku Dhisan Kooxeysi Markii Danbana Isku Badashay Qabiil , Marxuum cigaal Alle haw naxariistee oo ahaa siyaasi rug cadaaya inta badana ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu mugga weynaa siyaasada geeska Africa , waxay siyaasadiisa mucaaradnimo salka ku haysay burbur ku yimid ururkii SNM ee halganka dhiigu ku daatay u soo hurey dalka,  taasi oo ay u kala baxeen kooxo lagu kala magacaabi jirey calancas iyo calancad oo ay u kala jabeen mujaahdiintu, iyadoo markaasi garab ka mida garabaasi uu inta badan dabada ka soo riixayey mucaaradadiisa waxaana ay kala noqdeen garab ku shaqeeya siyaasadii marxuum cigaal oo ay ka mid ahaayeen Alle haw naxariistee mujaahid xasan yonis habane , Axmed mire maxamed, maxamed xaashi cilmi, Axmed maxamed maxamuud (siilaanyo) iyadoo kooxda kale ee nagu naaneysi jirey calancasta ee inta badan ka soo horjeeday siyaasadii marxuum cigaal ay ka mid ahaayeen muuse biixi cabdi oo ah madaxweynaha somaliland ee maanta , maxamed kaahin Axmed , marxuum dayib gurey, mujaahid dhagoweyne, C/raxmaan tolwaa, Marxuum C/laahi askar barkhad , isagoo marxuum cigaal iska difaaci jirey dhaliila kaga iman jirey xubnahaasi , marxuum cigaal Alle haw naxariistee isagoo wakhtigiisii gabogabo ku dhawyahay ayuu ku geeriyoodey magaalada Pretoria ee dalka koonfur afrika

 

3.     Daahir Rayaale Kaahin:waxa uu la kulmey mucaarad ku dhisan masayr siyaasadeed , Mudane rayaale oo ahaa madaxweyne ku shaqeeya siyaasada nooceed (situational leader) waxa uu inta badan isticmaali jirey siyaasadii madaxweynihii uu tallada dalka ka dhaxley ee maxamed xaaji Ibrahim cigaal , mudane rayaale waxa uu noqdey madaxweynihii koowaad ee qabta doorasho hal qof iyo hal cod ah isagoo kuna guuleystay doorashadaasi 2003 , dadka siyaasadda inta badan gorfeeyaana waxa ay rayaale ku tilmaami jireen arday ka baxay jaamacadii siyaasada ee marxuum maxamed x.ibrahim cigaal , sidaa daraadeed mucaaradda u badan ee madaxweyne rayaale waxay aheyd in aanu u qalmeyn booska uu ku fadhiyo ee dalka u sareeya , kaas oo uu kala kulmey mucaarad adag oo uu hormood ka ahaa madaxweynihii tallada kala wareegay ee axmed siilaanyo iyo guddoomiyaha golaha guurtidda somaliland saleebaan maxamuud Aadan,  inkasta oo markii danbe dhaliishiisa aakhirkii lagaga guuleystay ay u eekeyd waxqabad la’aan ka timid badiba wasaaraddo ka tirsan golihiiisa  xukuumadda   

 

4.     Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa madaxweynihii afraad ee somaliland marka si kale loo dhigana ahaa madaxweynihii labaad ee shacbiweynaha somaliland ku doortaan cod qof iyo mar ah (one man one vote) waxa uu la kulmey mucaaradad u badan beelaha darafyada waxaana abuurmey hogaamiye kooxeedyo iskood isku magaacey kuwaas oo ka biyo diidanaa qaabka awood qaybsiga xukuumaddiisa , mudane siilaanyo isagoo markaasi dadaalo badan u galey sidii uu ula tacaali lahaa arrimahaasi, waxa uu soo xerogaliyey masuuliyiin dabada ka riixayey xasaradaasi isagoo qaarkoodna boosas fiican uga magacaabey golihiisii , dadka inta badan sida xeel dheeridda isha ugu hayey siyaasada mudane siilaanyo ayaa ku tilmaami jirey mid u nugleyd mucaaradada , taasoo sababtey in ay xadka ka baaxaan tiradada masuuliyiinta uu magacaabey muddadii uu xilka hayey

5.     Muuse biixi cabdi :- waxa uu la kulmey mucaaarad ku dhisan caadifad qabiil , muuse biixi oo ah madaxweynihii shanaad ee somaliland dooraatay waxa uu horaantii muddo xileedkiisa la kulmey mucaarad ku dhisan caadifad qabiil oo xoogweyn taasoo loo aaneyn karo midhihii laga dhaxley olalihii doorashada oo u eegaa mid aakhirkii isku badaley qabiil iyo xulafaysi reereed ,  taasi oo qarka u saarney xagal daac ku yimaada dimuqraadiyadda somaliland, Mudane muuse isagoo kaashanaya waayo aragnimadiisii siyaasadeed ee gaamurtay waxa uu galay dadaalo arrinkaasi lagu soo afjaro isagoo wakhtiyo badan gogolo siyaasadeed u fidiyey hogaanka asxaabta mucaaradka taasoo u eeg in imika la soo afjarayo balse lama oga nooca ay isku bedeli doonaa mucaaradiisu marka laga tago xanafka qabiilka ee ka dhalatey olalihii doorashooyinka

 

Diyaarintii : Axmed Maxamed Cismaan Caalin

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso