Wasiirka Wasaarada Waxbarshada Iyo Sayniska Somaliland Ayaa lukan Dardargalin Ah Oo La Qaatay AGaasimayaasha Iyo Isuduwayaasha Wasaaradaasi Ka Howlgala

(Toggaherer)-Wasiirka Wasaarada Waxbarshada Iyo Sayniska Ayaa lukan Dardargalin Ah Oo La Qaatay AGaasimayaasha Iyo Isuduwayaasha Wasaaradaasi Ka Howlgala…

Wasiirka Wasaarada waxbarshada iyo sayniska Yaasiin Maxamuud Xiir (farotoon) ayaa kulan dardargalin ahaa oo laga hadlaayey qorshaha shanta sanno ee soo socota io howlaha kala duwan ee wasaaradaasi qaranka somaliland u qabato sidii loo dardargalin lahaa ,laqaatay AGaasimayaasha wasaaradaasi Iyo isuduwayaasha ka howlagasida buuxda uga howlaga wasaaradaasi,wasiirka oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:

(Waxbarashada in dhibaatooyin badan haysaan waa mid la wado ogyahay waxaana lagaga bixi karaa wado tashi in la isku yimaado oo lago wado tashado oola isla wado eego oo intiina gacanta ku haysaa in aad rayi ka bixisaan dadka kalena wixii aaraa u muuqda ku wadan waxaana xil naga saaran yahay in iskuuladii aynu dib u noolaynoo oo aynu dib u kicino oo sidan loo dhaamo masuul kasta waxaa looga baahan yahay daagaankiisa iskuulada siii uu bal waxqabad in laga qabto oo wax laga ogaado uu iskugu dayi lahaa anagu wasaarada ahaan waxaa noo qorshaysan in macalimiinta imtixaan ka qaadno dhammaan kuwa bayroolka dowlada ku jira io kuwaan ku jirin imtixaankaasi marka la galo saddex qayboo ayaa loo qaybsamayaa koox aanu u aragno in aanay waxba dhigi karin oo tabobar hagaagsanna qaadan karin oo ah in ay meesha ka baxaan wixii anu u aragno in aanay waxba dhigi karin oo la tabobari karaayo oo muddo gaaban lagu kaadhsiin karin wixii la rabay way ka baxayaan meeshawixii intaasi dhaanta oo tabobarbi karta waxanu rabnaa in aanu tabobar galino wixii inta loo arko in ay khibrad leeyihiin ku fialn yihiin oo heerkaasi ay gaadheen iyagu halkoodii ayey howsha ka wadayaan).

Geesta kalena Gudoomiyaha xafiiskaimtixaanaadka qaranka daauud Axmed faarax iyo Agaasimaha waxbarshada dadban Muusemaxamed shide ayaa masuuliyiinta kulankaasi goob jooga ku ahayd ku dhiirigaliyey In Masuuliyiintaasi U diyaargaroobaan qaadista imtixaankii shahaadiga ahaa oo dalka dhawaan kabilaabmi doona.

Gabogabadiina dhawaan ayey ahayd war culus ooasaarada waxbarshada ka soo duulay oo ka cadhaysiiye qaar ka mid ahaa waalidtii ay carruurtoodu ka soo booday fasalada qaarkood oo ay wasaaradaasi ka joojisay ardeydaasi in ay fadhiistaan imtixaanka shahaadiga ee dalka ,arintaasi oo fajiciso ku noqotay waalidiinta carruurtaasi dhashay oo ay arrintaasi ku noqotay laf dhuun gashay ,iyadoo wasaaradaasi ay ahayd in ardeydaasi markay boodaayeen in ay doorkeeda ka qaadato wasaaradaasi oo ay maareyso.

Advertisement

Ku Xayeysiiso