Tehran oo u digtay Kim Jong-un Gudaha ka Akhri


Wasaaradda arrimaha dibedda Iran ayaa uga digtay Waqooyiga Kuuriya in ay ka taxadirto ballanqaadka Maraykanka ee laga yaabo inuu ka dhasho kulanka shirwaynaha ee North Korea-US ee Singapore.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Bahram Qasimi, ayaa sheegay in dowladda Iran ay taageersan tahay dadaalka nabadda iyo xasiloonida ee ka jirta Jasiirada Kuuriya isla markaana ay taageerayso tallaabooyinka ay qaadayaan ee xasilinta gobolka se waxaanu u sheegaynaa lama aamini karo Mareykanka, waxaan ugu baaqaynaa Waqooyiga Korea in ay ka taxaddaraan ballanqaadka Mareykanka.

Dawladda Maraykanku waxay ku dhawaaqday 8-da May inay ka baxday Heshiiska Nukliyarka Iran iyo dib-u-soo-celinta dhammaan cunaqabataynii la laalay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso