Rihanna oo Qalbi Jabisay Saaxiibkeeda Bilyaneerka Sucuudiga ah !!

Fanaanada Ameerikaanka ah ee Rihanna ayaa ku dhawaaqday inay kala hadheen Jacaylkeedii bilyaneerka Sacuudi Careebiya ee Xasan Jamiil, ka dib xidhiidh socday muddo sanad ah.

Ilo ku dhow Rihanna ayaa sheegay in ay joojisay xidhiidhkii ay la laheyd saaxiibkeed sababtoo ah in ay ka daashay.

“Waxay jebisay qalbigiisa, taasina waa waxa ay ku fiican tahay Qalbi jebinta ragga , taasina waa mid ka mid ah waxa ay ku samaysay dhamaan ragii ay xidhiidhka la lahayd oo dhan,” ayuu qoray wargeyska Harper Bazaar kaas oo isna ka soo xigtay wargeyska Media Tick Out News.

Hassan Jamil waa Guddoomiye kuxigeenka Shirkadda Abdul Latif Jameel ee ay leeyihiin qoyskiisu oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn adduunka, waxayna leeyahay xuquuqda qaybinta baabuurta Toyota ee Sacuudi Carabiya iyo todobo dal oo kale.

Hantida qoyska Xasan Jameel waxaa lagu qiyaasay $ 1.5 bilyan, sida uu sheegay Forbes magazine.

Rihanna maaha kaliya ta uu xidhiidhka la lahaa Xasan Jamiil, hore ayuu xidhiidh iyana ula lahaa Naomi Campbell oo dharka xayaysiisa una dhalatay dalka Britain.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso