Dhakhtarka kooxda Masar oo ku dhawaaqay war xun oo ku saabsan Mohamed Salah


Maxamed Abu El-Cula oo ah dhakhtarka xulka Masar ayaa carabka ku adkeeyay dhibaatada haysata inuu ciyaaro Maxamed Saalax ciyaarta waddanka Uruguay Jimciha kulankaa oo noqonaya ka ugu horeeya ee Faraacinada ciyaarto Koobka Aduunka 2018.

Abu Cula ayaa yidh: “Maxamed Salaax ma aha 100% caafimaad ahaan mid diyaar u ah ciyaarta Bilowga ah.”

Waxa uu intaa ku daray: “Dhamaanteen waxaan sameynaa xilligan waa daaweynta si uu ciyaaryahanu ugu soo kabto qayb yar oo ciyaarta ah, oo la qabanyo 4 maalmood kadib, inkasta oo tani ay adag tahay.”

Masar ayaa la lugta labaad ee Group B la ciyaaraysa Ruushka Salaasada (19-ka June).

Mohamed Salah ayaa ka dhaawacmay garabka kulankii finalka Champions League ee Real Madrid ka dib markii uu dhaawac u geystay Sergio Ramos.

Masar ayaa ciyaartay seddex kulan oo saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen Kuwait, Colombia iyo Belgium, iyada oo uu ka maqan yahay xiddiga Salah kulamadaas oo aanay ka gaadhin wax guul ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso