Afduube Dilay Afar carruur ah oo ku nool Orlando USA


Saraakiisha bilayska ee Orlando Florida ayaa helay afar carruur ah oo dhintay iyo afduubihii.

Wargeyska Orlando Sentinel, ayaa sheegay in afduubaha oo lagu magacaabo Harry Win Lindsay uu isdilay ka dbib markii uu geystay falkan foosha xun ee dilka caruurtan.

Dembiilaha ayaa hore loogu xukumay dhowr dembi, oo ay ka mid yihiin dab iyo gubis iyo isticmaalka rabshado. Waxaana isha ku hayay ilaalo bilays, bilaysku weli ma sheegin magacyada afarta carruur ah ee la dilay.

Sida laga soo xigtay wararka hordhaca ah da’da carruurta ayaa u dhexeeyay hal ilaa kow iyo toban sano jir.

Habeenimadii Axada, bilaysku waxa ayay soo wacaday Haweenay u sheegtay in saaxiibkeed si xun u garaacay.

Booliska ayaa isku dayay in ay xidhaan Lindsay ka dib markii ay soo galeen goobta ayuu rasaas ku furay waxaanu si xun u dhaawacay askari bilays ah. Lindsay ayaa ku afduubtay guriga afar caruur ah waxaanu ku hanjabay in uu dilaayo caruurta taas oo markii dambe uu fuliyey.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso